Hormuud ama ha noqoto Shirkad Soomaaliyeed, ama ha noqoto Shirkad Reereed?

Daarusalaam waa xaafad ka mid ah Xaafadaha ay ka koobantahay deegaan weynihii {Rati weyne} oo ay maalgalisay shirkadda hormuud oo u mareyso bangiga salaam bank oo hormuud hoos taga.
Mudo 3 sano ah oo ay aheyd deegaan u sharaxan Degmo, Waxaa Gudoomiye ka ahaayeen Beesha Maxamuud Hiraab {Maxamed camal} oo walina ka ah. Doodo si hoose u socdana waa jireen oo ku aadan cida gudoomiyaha deegaanka rati weyne la siiyay.
Waxaana ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada ka ahaayeen Abgaal {Mataan cabdulle} walina ka ah
Waxaa horta su’aal ah Shirkadda Hormuud sow shirkad Soomaaliyeed oo masuul ka ah hanti Soomaaliyeed sow maaha?
Hormuud ma Dudublaa.?
Hadii ay Hormuud Duduble tahay sax ma tahay in ay ka masuul ahaato hantida Umada Soomaaliyeed.?
Saxse ma tahay in ay Maalgalin ka sameyso Deegaanada kale ee Dalka maadaama, Gudoomiyaha Shirkada ugu sareeyo ee aas aasay, Dadka Soomaaliyeedna kalsoonida ka abuurtay si ay hantidooda ugu aaminaan Qabiilkiisa doonayaan in ay si sad bursi ah ugu macaashaan maalgalintaas ay Shirkada sameysay?
Waxaa kale oo iyadana su’aal u baahan Beesha Mataan Cabdulle ee abgaal oo ka carootay Degmanimada Daarusalaam maxeysan uga dhiidhinin shalay markii Deegaanka loo aqoonsanaayay, ee Maamulka loo magacaabayay nin aan iyaga aheyn? walibana iyaga ku xigeen lagu qancinaayay.?
Waxaa la gudboon Shirkada Hormuud iyo Beesha tabashada qabtaba in ay ka soo jawaabaan su’aalahaan.?
Hormuud ama ha noqoto Shirkad Soomaaliyeed, maalgalinteedana ganacsi haku sinaato, ama ha noqoto Shirkad Reereed oo Qabiil gaar ah ha u sad buriso si Meel kasto oo ay Anteeno uga taagantahay gayiga ay Dadka ku nool u ogaadaan in aanan Qabiil gaar ah Hanti iyo Tacab ku dhex sameysan karin.
Hadii Deegaan yaa camiray lagu hantinaayo xuquuqdiisa maamul iyo tiisa siyaasadeed, Beesha Hormuud maalgalinteeda dooneyso in siyaasad ku qaadato waa in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud maxamuud hiraab siiyo Duqa Magaalada iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, maadaama Hormuud Ganacsiyo tiro beel ah Xamar ku leedahay, oo ay Cadayga, ukunta, Xabatu Sowdada, Malabka, iyo Caanaha Geelaba Ka ganacsato iska daay Ganacsiyada Balaarane.
Hal arina waa muhiim hadiiba maalgalin shirkad wadaag ah sameysay Qabiil ku hantin karo Deegaan iyo Xuquuq siyaasadeed, Degmada Garas Baaley waxaa Deegaamiyeen 2 Shaqsi oo ka mid ah hantiilayaasha sar sare ee Hormuud oo lagu kala magacaabo Cabdiraxiin Macaani iyo Bashiir Maxamad Xasan, labadooda waxay kasoo kala jeedaan, Abgaal Waceysle Cali Gaaf iyo Habargidir Saleebaan, maxaa loo siin waayay Gudoomiyaha Degmada Cusub ee garas baaleey, ileyn 2daas reerood midkoodna Degmo kama haystaan gobolka banaadir.
Timirba lafaa kujurto lamana moogo.
War jiraana cakaaru iman, dalkuna waa federaal.
W/Q. Mohamed Taagane

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles