Howlgal Qorsheysan oo lagu dilay ciidamo katirsan Alshabaab

Warar hordhac ah oo laga helayo duulaan qorsheysan oo ee si wada jir ah uqaadeen ciidamada dowlada Soomaliya iyo ciidamo kale oo taageerayo ayaa lagu dilay in kabadan sodon ciidan Alshabaab ah kuwaasi oo lagu dilay deegaanka  Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaani ayaa yimid sida lasheegay kadib marka dhanka dowlada ee heshay xogta laxiriirto ciidamada katirsan Alshabaab.

 Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Alshabaab, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale koox kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayay  geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.

Dhanka kale Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Alshabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo si dhuumaalaysi ah Khawaarijtu isku dayayeen inay u soo galaan.

Dhanka kale dowlada ayaa uga mahadcelisay dhinacyadi kaqeyb qaatay howlgalkaani,

Ilaa iyo hada majiro war si rasmi ah uga soo baxay Alshabaab oo la xiriiro dhacdadaani.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles