Huutiyiinta oo dilay dadki ugu horeeyay ee saarnaa Markab bada marayay

Saddex ka mid ah shaqaalaha markab ayaa lagu dilay gantaal ay Xuuthiyiintu ku garaaceen markab xamuul ah oo marayay koonfurta Yemen, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah – waana dhimashadii ugu horeysay ee ka dhalata weerarada ay kooxdu ku qaado maraakiibta ganacsiga.

Markabka uu ka babanaayay calanka jasiiradda karibiyaanka ee Barbados oo la dhaho True Confidence, ee gantaalku ku dhacay ayaa laga tagay isagoo dul sabaynaya biyaha dabna ka holcayo kadib markuu gantaalku ku dhacay.

Waxaa markabka lagu duqeeyay Gacanka Cadmeed abaaro 11:30 GMT, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay tahay inay Falastiiniyiinta ku taageeraan dagaalka Israel iyo Xamaas ee Gaza.Taliska dhexe ee Mareykanka ee (Centcom) oo kormeera howlgallada ka socda Bariga Dhexe ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay ugu yaraan afar ay dhaawacmeen, oo saddex ka mid ah ay halis yihiin.

“Weeraradan aan ka fiirsiga lahayn ee Xuutiyiintu waxay carqaladeeyeen ganacsiga caalamiga ah, waxayna galaafteen nolosha badmaaxiinta caalamiga ah,” ayay ku daabcaday baraha bulshada.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto ayaa lagu sheegay in shaqaalaha markabka ee The True Confidence ay iska dhaga tireen digniinaha uga imaanayay ciidamada badda ee Xuutiyiinta.

Safaaradda Britain ee Yemen ayaa sheegtay in dhimashada badmaaxiinta ay tahay “masiibo murugo leh, balse ay tahay dhibaato la hubay in ay ka dhallan weerarada taxadar la’aanta ah ay ee gantaalada Xuutiyiintu ugu garaacaayaan maraakiibta caalamiga ah” iyaga oo diiday in joojiyaan weerarada.

Saraakiisha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa goor sii horeysay sheegay in laba dhimasho ah iyo lix dhaawac ah ay jiraan.

Markabka ayaa waxaa saarnaa 20 shaqaale ah oo ay ku jiraan hal Hindi, afar Vietnamese ah iyo 15 u dhalatay dalka Filibiin.

Saddex ilaalo oo hubaysan – laba u dhashay Sri Lanka iyo mid kale oo u dhashay dalka Nepali ayaa sidoo kale saarnaa. Weerarka ayaa ka dhacay meel 93km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Cadan ee dalka Yemen, afhayeen u hadlay mulkiilayaasha markabka iyo maamulayaasha markabka ayaa war uu soo saaray sidaas ku sheegay.

Weerarka kadib, TV-ga Al-Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa baahiyay fiidnimadii Arbacada in laba weerar oo dhanka cirka ah oo uu Maraykanku hogaaminayo ay ka dhaceen garoonka caalamiga ah ee magaalo dekadeedda Badda Cas ee Xudeyda oo ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Markabka The True Confidence ayay koox isugu yeedhaysa in ay yahiin ciidamada badda ee Yeman kasoo waceen raadiyaha VHF-ka una sheegay in uu beddelo jihada ay ku socdaan, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgalada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO).

Maraakiibta u dhowaa ayaana tabiyay in ay maqleen jug xoogan iyo qiiq weyn oo hawada isku shareeray.

UKMTO waxay sheegtay in markabka uu soo gaaray burbur ayna markabka kooxdii la socotayba taageero ka heleen isbahaysiga Maraykanku hogaamiyo ee badda.

Xarunta Amniga Badaha ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika (MSCHOA) ayaa sidoo kale sheegtay in ay socdaan howlgalo samotabixin iyo badbaado ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles