Illeen Doqoni Dibir kama Dheregto: Heshiis-ku-sheegga xadgudubka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland! (By Dr. Abukar Warsame)

Afeef: Qoraalkan gaaban ee baraarujinta ah waxaan diyaariyey inta uusan Madaxweye Xasan Sh. Maxamuud saxiixa ku duugin sharciga wax kama jiraanka ka dhigaya wixii ay Itoobiya iyo Somaliland ku sheegeen heshiis is-af-garad. Waa tallaabo in loo hambalyeeyo mudan oo aan is leeyahay inay hordhac fiican u tahay hibo-tusaaleynta qoraalkeygan xambaarsan yahay!

Soomaalida badankeeda waxey ka dheregsan tahay dhibkii iyo daqarraddii dhinacyada badan taabaneyey ee uu noo geystey heshiiskii is-af-garad (MoU) ee muranka geliyey badda Soomaaliya iyo dacwadii aan geyney maxkamadda adduunka ee ICJ taasoo ugu dambeyntii noo xukuntay baddeenna inteedii badneyd. Waxaan kaloo u soo taagneyn markii lakala saxiixday heshiisyo la xiriira dekedaheenna qaarkood sida tan Berbera.

Maalintii u horreysey ee sannadkan cusub 2024 waxey bulshada Soomaaliyeed kula kowsatay heshiis ku sheeg is-afgarad ah (MoU) oo ay kala saxiixanayaan ra’iisul wasaaraha dawladda Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland. Muuqaalka la baahiyey ee masraxa lagu jilayey heshiis-ku-sheeggaas waxaa ka muuqda Muuse Biixi oo uu ku hadaaqaya in ay Itoobiya la galeen heshiis ah iney dhul xeebeed dhan 20KM ay siiyeen Itoobiya (iyadoo haddana la dul saaray cod ah ka kireynney) islamarkaasna Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland iyadoo Abiy Ahmed oo dhinac fadhiyeyna u sacabo tumay. Ka dib waxaa Abiy Ahmed uu gacanta horey ugu sii qaatay malaf kolleyba wixii ku qornnaa aannan garaneyn inuu ka duwan yahay ama la mid yahay mid ka soo baxay dawladda Itoobiya oo lagu sheegay inuu yahay wixii la isku af-gartay.

Heshiis-ku-sheegga ”A Memorandum of Understanding (MOU) for Partnership and Cooperation between the Federal Republic of Ethiopia and Somaliland” ayaa wuxuu ka koobnaa ilaa lix iyo toban waaxood (paragraphs) oo aan is tusay bal inaan diiradda ku saaro maxey tahay farriinta uu gudbinayey iyo maxaa nala gudboon inaan ka baranno. Su’aasha mudan in la is weydiiyaa waa ”Maxaan ka baran karnaa heshiis-ku-sheegga xadgudubka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee aynnaan ka baran kii badda ee aan horey ugu simbiriiraxannay iyo kuwa la midka ah?”

Bal waa tan qiimeeynteydii oo ka kooban saddex qeybood iyo gunnaanadkeeda ee akhristow bal adna inta qalbi furan oo aan caadifeysneyn ku ahkrisid wixii aan ka il-duufay ama iga dahsoon ku darso.

Qaybta Laab-salaaxa:

Saddexda waaxood (paragraphs) ee ugu horeysa qoraalka waxay u muuqdaan in ay Itoobiya ugu talagashay laab-salaax ku wajahan Somaliland oo ay ku muujineyso waxa ay is leedahay dhegaha Muuse Bixi iyo inta ku fikirka ahba ayey si sahal ugu duxayaan. Waxey ku sheegeen wixii inta Somaliland goosasheeda ku hammineysa ay ku hadaaqi jireen balse sadarrada aan is leeyahay wey mudan yihiin in la iftiimiyo waa:

1)    In ay Itoobiya midowgii labada gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliyeed quursi dartiis ay ku tilmaanto mid dhexmaray Somaliland iyo Mogadishu  – ma ahan Koonfur ama dhulkii Talyaaniga xornimada ka qaatay!

2)    In ay Itoobiya ka furnaanshaha xafiiskeeda (Consular Office) ee Hargeysa u muujiso mid ka tarjumaya in ay Somaliland tahay dal heshiisyo caalami ah sida kan dekeddaha oo kale geli karta. Qodobkani wuxuu muujineyaa kharta ku geedaaman xafiisyada xiriirka dibedda u qaabilsan ee dawladaha deriskeenna ah sida Itoobiya iyo Kenya ay ka furteen ama rabaan iney ka furtaan maamul-goboleedyada iyo maamulka Somaliland.

3)    In Itoobiya ay il-duufkaagii hore ee aad ku dhayalsatay heshiiskii DP World ee Imaaraadku iyo Itoobiya ku galeen dekedda Berbera uu gundhig u noqdo midka xaaraanta ah ee ay maanta ku hammineyso. Saw xaalku ma ahan haddii aad dammane aheyd oo aan shalay aamus ku qaatay dekeddaas maxaa diidaya inaan mid kale iyo wixii aan u muuhannoodaba markaan doono midigta ku dhigo?

Qaybta Laacdanka iyo Laqdamada isku lammaansan:

Qaybtan oo ka kooban ilaa afar waaxood (paragraphs) waxey ka hadleysaa baahideeda soo jireenka ah ee ay u qabtay iney hesho bad ay iyadu si gaar ah u leedahay oo u madax-bannaan tahay dhan ganacsi iyo mid ciidanba kadib markii ay ku dekedo weydey dagaalkii ay la gashay Ereteriya.  Waxey koobeysaa laacdankaas iyo loollanka ay u gashay sidii ay uga jibo keeni laheyd riyaadaas muddada dheer ay ku hawlanneyd taasoo ay sheegtay in shantii sano ee ugu dambeysey ay u gashay dadaal dheeri ah una horseedday in dhawrkii bilood ee u dambeeyey miro dhal noqdaan wada-hadalladii iyo laab-salaaxii Somaliland muddadaas ku socday! Waa qaybtan meesha ay ku sheegeyso in ay laacdankii bad-mareenka ay ku guuleysateen oo ay Somaliland la gashay Heshiis is af-garad (MoU) oo dhigaya helitaanka marin-badeed laga kireeyey Itoobiya oo uga beddelenaysa Somaliland iney hesho qoondo kiro ah oo shirkadda Ethopian Airlines oo u dhiganata dhul-badeedka laga kireeyey Itoobiya.

Inkastoo heshiis ku sheeggan uusan taageero sharciyad iyo mid shacbiba uusan Soomaaliya oo dhan ka heysan iyo beesha caalamka badankeed, waa isla qaybtan midda muujineysa laqdamada iyo luggooyada ku dhacday Muuse Biixi oo aanan anigu garaneyn wixii uu meesha ka ahrineyey ee uu yiri waan saxiixey in ay ka duwan yihiin ama la mid yihiin waxa ku qoran qoraalka ay dawladda Itoobiya soo bandhigtay waayo dhawrkaan arrimmod ee soo socdaba waxey tilmaamayaan in waxa meesha ku qoran aan wax kala beddelesho lagu tilmaami karin oo aysan sinnaba u buuxin karin xeerarka iyo habraacyada heshiis wax kala beddelasho hantiyeed.

  • Waa in waxa la kala beddelanayaa ay cad yihiin oo qiimahooda iyo qaddarka lagu kala beddelanayo la ogyahay. Lugahaya ayaa maalmahan la sheegay balse dhulka la xiriira ilaa xadka Itoobiya ee lagu darsaday waa laga meereystey in afka lagu ballaariyo!
  • Waa in aysan jirin culeys ama cadaadis keeni kara in qiimaha xaqa ah laga leexdo oo wax kala gadashadu noqotaa mid daahfuran oo isu dheellitiran (arms length). Laab-salaaxa aan kor ku soo sheegay iyo in Somaliland aan la aqoonsaneyn oo aysan buuxin karinba xeerka wax kala beddeleshada xorta ah ee isu dheellitiran ayaaba burineysa waxa ay Itoobiya soo xar-xarriiqatay ee Muusana saxiixeeda isku miidaamiyey.
  • Waa in qiimeeyn waafi ah lagu sameeyo waxa la isku beddelanayo oo ay isu dhigmaan. baddeenna (hanti ma guurto ah) iyo qoondo shirkad ganacsi (hanti guurto) ah oo berriba suuqa ka bixi karta taasoo lagu kaabay hawo-been iyo rajo-gelin ah waxaan dib-u-eegis qoto dheer ku sameyn doonnaa mawqifgkayaga ku aaddan aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland (speculative value) kala beddelashadoodu waa dahab ku beddelo dambas!

Qeybta loolanka iska fududee:

Qaybtan waxey ka kooban tahay ilaa afar waaxood oo u muuqata in ay dawladda Itoobiya kula hadleyso dadkeeda oo ay rabto iney u muujiso iney guul taariikhi ah iyo riyo-maalmeed ay muddo ku taamayeen u soo hoyatay oo heshiiskani u horseedi doono iney ka baxaan go’doonkii badda oo barwaaqo gaari doonaan. Waxey kaloo qaybtani isku dayeysaa iney mideyso qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya oo ay meel iska dhigaan wixii dhexdooda ah ee ay kala tirsanayaa oo ay u jiheystaan sidii ugu faa’ideysan lahaayeen badda iyo dhulka Soomaaliyeed ee boobka iyo heshiis-ku-sheegga xaaraanta ah ku hantiyo doonaan balse ilaahey idinkiis ay ku hungoobeen. Mar haddii kii baddaada, berrigaaga, iyo hawadaada duullaanka ku ahaa uu dadkiisa ku dhiirri-gelinayo iney boobkaas qaawan isku garbsadaan sidee uga guuleysan kartaa ama isaga difaaci kartaa adigoo aan mideysaneyn?

Tuug waxaa ugu nasiib darran midka og in wixii uu soo xaday ama rabay inuu xado inuusan calfaneyn ama ku guuleysaneyn! Sadarro ka mid ah qaybtani waxay  ku tusineysa in Itoobiya aysan kalsooni ku qabin waxa ay soo xar-xariiqeen u hirgeli doono marka ay qoraalkooda ku qireen in waxaan laga hor imaanayo ”it cannot be said that some will not be offended, shocked and refrain from attempting to destroy the positive progress.”

Gunnaanad:

Sida ka muuqata cinwaanka qoraalkeygan waxaan tuhunsan ahay in aannan wax ka baran daqarradii iyo dibirtii naga soo gaartay heshiiiska is-afgaradka badda ee aan la galnnay Kenya.

  • Waxaan is lahaa wuxuu keeni doonaa feejignaan iyo inaan la dhayalsan waxaan madax-ku-sheeg iyo maamul-goboleedyada ay maalin walba waddamada danaha gurracan naga leh la hoos ordaayaan sida kan DP World iyo kuwa kale ee lala galay Imaaraad, Itoobiya, iwm.
  • Waxaan is lahaa waxaad hesheen baarlamaan u heellan ilaalinta xuduudaha, midnimada, iyo madaxbannanida Soomaaliyeed oo sixi doona dayaca ku jira dastuurka oo soo ceshan doona awoodda iyo wax kasta oo wax ka beddelaya xuduudda qarankeenna.
  • Waxaan is lahaa dawladdeenna markii uu soo gaaray xanta ah in Muuse Biixi uu heshiiska noocaan ah u tegayo Addis-Ababa, waxey qaadi doontaa tallaabo ka hor tag ah (pre-empty strike) oo muujineysa inaan ku foojigan nahay damac kasta oo ku wajahan baddeenna. Muuse Biixi ayaa ka dhaartay inuu jiro heshiis noocaas inuu soo saxiixayo waana ku qanacannay kama muuqato biseyl siyaasadeed iyo masuuliyaddii madaxda qaranka loo igmaday.

Waxaan ku soo gunnaandayaa qoraalkeyga inaan gacmaha is qabsanno dawlad iyo dadweynaba waayo ummad kasta waxaa lagu qiimeeyaa sida ay ugu guntato ugana guuleysato caqabadaha soo foodsaara ee dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn sida middaan oo kale ee midnimadeenna iyo wadajirkeenna wax u dhimaya. Madaxdeenna iyo dawladdeenna aan ku garab siinno go’aannada togan ee lagu difaacayo baddeenna, xuduudaheenna, iyo ilaalinta midnamadeenna.

Qalinkii: Dr. Abukar Warsame  abukar628@gmail.com

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles