Ina Cubtan “Shariifow walaal aad ka weyn tahay oo intii aad wax qarbudaysay ku waaninayey markan warkiisa maqal”

Ma xusuusataa maalintii qoriga Aakaha ah aad sidatay! Anigu maalintaa anoo labaatan jir ah ayaa waxaan qoray qormo ahayd: “Qabsataye ma Qaramayn Kartaa?!” waxaanna ku sii saadaaliyey belada muuqatay, balse aad ka dammanaydeen ee ahayd: in dalka la soo weerari doono! Sidii bay u dhacday. Xabashii waa tii ay Xamar xeebteeda xoog ku timid! Hah! Ka dib waadigii duurka galay, ee islaantii Jendaay Fireezer ay ku soo xambaartay, illeyn bay kaa lahayde!
Mar kale, inta aan la gaarin heshiiskii ahaa: “Kambaala Akoord” ka hor toddobo bilood ayaan qoray qormo ahayd: “Shiikh Shariif oo Mar kale Shaarka Baddalanaya!” waadigii xukunka ku joogay ku dhawaad hal sano oo sharcidarro ahayd, haddaanba laga hadal Garoowe 1&2!
Maanta bal isku day, in aad warkayga maqasho, oo shaqo loo aayi doona ayaa socotee, dadkaaga walaalow dhinac ka raac. Far soo taagan iyo fool fongoran ha noqon!
Waxa kale oo dhan xagga iska dhige, dawladda gacan ku sii beledii aad beerteen ee Alshabaab ah, degaannada TOLKAAGA looga saari, si itaal loogu helo damaca Xabashidu mar kale xeebaheenna ku rabto!
Marka u dambaysa ogow, DALTUURKA nin un baa darbada la heli lahaa, ee haddii uu walaalkaa Xasan noqday, iyadoo darbadu mar iyo marxalad kasta furnaa doonta, maxaad la sastay, oo madaxda kalaba sidaada u ma beretamayaane, adiga kaa soo dhigay fin fool ka soo baxay? Mise waa sheekadii ahayd: “Doqoni walaalkeed ayey u daabweyn tahay!”?!
“Dad waxaan dhexgelinaa
Maalmaha duruustood
Aan ku dhigannin diiwaan!” Bashiir M. Xersi

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles