Jarmalka Oo Guul Muhiim Ah Kudaahfurtay Euro 2024

Martigaliyaasha Tartanka Ee Jarmalka Ayaa Caawa 5 Cad Ukala Dhigdhigeen Dhigoo Scotland Oo Marti Ku Aheyd Alianza Arena.

Kulankaan Sida Laga Filaayey Si Lamid Ah Cml Ayuu Noqday Maadaama Scotland Aysan Aheynin Xul Ubabac Dhigi Kara Jarmalka Sidaas Aawgeedna 10 Daqiiqo Gudahood Waxaa Goolka Daahfurka Tartanka Dhaliyey Florian Wirtz Oo Fasalka Soo Dhamaaday Wacdaro Kasameeyey Horyaalka Bundesliga.

19 Daqiiqo Waxaa Gool Caaqibo Leh Shabaqa Kuhubsaday Jamal Musiala Oo Caawin Kahelay Kai Havertz Waxaana Qeybta Hore Xisaabta Soo Xersy Kai Havertz Oo gool Kulaad Dhaliyey .

Qeybta danbo Ciyaarta Daqiiqadii 68-aad Waxaa  Ciyaarta Hurdo U Diray Füllkrug Oo Badal Kusoo Galay Waxaana Gool Kam Ah Iska Dhaliyey Antonio Rüdiger Kaasoo Ciyaarts Kadhigay 4-1 Balse Dhamaadka 90+ 3 Daqiiqo Waxaa Kulanka Soo Xeray Emre Can Oo Asigane Badal Kusoo Galay .

Jawiga Guud Wuxuu Ahaay Mid Dhinac Kararan Maxaa Yeelay Labada Qeybba Waxaa Iska Maamulaneysay Germany Ayagoo Xattaa Dhalin Karay Goolal Intaan Kabadan Halka Scotland Aysan Xattaa Helin Hal Darbo Oo Ay Goosha La Beegsadeen.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles