Jeneral Birhanu Jula Gelalcha “Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,”

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in 60% ay ciidamadooda gacanta ku hayaan dhulka Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay kala dhaxeyso Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah baddeena.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo la hadlay warbaahinta EBC ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay gacanta ku hayaan 60% dhulka Soomaliya oo ay nabaddiisa ilaalinayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay naftooda u hurayaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo ku dooday in ciidankooda ay sababeen in dowladda Soomaaliya ay fadhi ka dhigato magaalada Muqdisho.

“Berri hadday ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo ku faanay in door weyn ku leeyihiin nabadeynta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xusay in maamullada dalka ay intooda badan la dhacsan yihiin joogitaanka ciidankooda, ayna taageersan yihiin joogitaankooda, sida uu sheegay.

Taliye Burhan ayaa ku faanay in haddii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay shacabka ku odhanayaan “waanu idin sii raaci” taasi oo tusaale ugu soo qaatay kaalinta ciidankooda ee nabadeynta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Gobollada Soomaaliya ee (ciidankeennu) joogaan ku wareejin mayno cadow,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Itoobiya inkasta oo uusan qeexin waxa uu ka wado hadalkaa iyo cidda uu hadalkaa ula jeedo.

“Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waa sugidda amniga dalka Itoobiya iyo in Soomaaliya laga difaaco Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyay Birhanu.

BBC Somali

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles