Jiilka-1991-Kadib: Ha Weydiiyaan NN Ama Damul-Jadiid, Lacagta Qatar Iyo Tan Imaaraadka Teebaa Xalaala? W/Q Luqmaan-Xakiim Xuseen

Sebtember 1861 ayay Dowladdii Cusmaaniyiinta iyo Dowladihii Yurub kala saxiixdeen heshiis loogu yeeray Xeer-nidaamiye Dabiici ah (Règlement Organique), markaa oo ay Cusmaaniyiintu wadeen Nidaam Dib-u-Habeyn (Tanzimat). Ujeedada muuqata ee Yurubiyaanku waxay aheyd in la ilaaliyo xuquuqda dadka Kiristaanka ee loo yaqaan Maronite iyo Duruusiyiinta kunool gobolka Mutaṣarrifiyyat Jabal Lubnaan. Ujeedada qarsoon’se waxay aheyd in reer Galbeedku oo Faransiisku uhorreeyay ay ugxan u taalo Bariga-Dhexe, kana faa’iidaan dhaqale ahaan, kuna daneystaan diimaha kala duwan ee kajira. Siyaasiyiinta Jabal-Lubnaan iyagoo is-og in ay u kala dhuuntan Cusmaaniyiinta & Yurub, haddana midba kan kale wuxuu ku eedeyn jiray inuu u shaqeeyo qolo shisheeye. Taariikh yahanadu waxayba xusaan in heshiiskaas ahaa soo ifbixii burburka xukunkii Cusmaaniyiinta.

 

advertisements

Si kastaba ha ahaatee, markii Ataturk katakhalusay Dowladdii Cusmaaiyiinta, ayay dadkii Jabal-Lubnaan waxay yeesheen Dastuur ku salaysan heshiiskii 1861, waxaana gumeysanayay Faransiiska. Sanadkii 1943 ayay isku raaceen Muslimiinta Sunniga ah iyo Kiristaanka Maronite is-afgarad Axdi-Qaran oo loo yaqaanay (1943 National Pact), ah in awoodda loo qaybsado saami kudhisan 6:5. Saamigaa ayaa ilaa hadda kuqottoma in xilalka loo kala qaatay Madaxweyne Masiixi ah, Ra’isul Wasaare Sunni ah, Gudoomiye-Barlamaan Shiico ah. Taarikhdaas iyo dagaalkii 2aad ee dunida kadib waxay Lubnaan istiraatiiji u noqotay dagaalka Carabta-Israel, Dagaalkii-Qaboobaa, is-riix-riixa Bariga-Dhexe iyo xakameynta Marakeynka ee saameynta Iiraan. Henry Kissinger ee maalin dhaweyd geeriyooday, isagaa Suuriya gacanta u geliyay Lubnaan, masaalix istiratiji oo markaa Israel loo fulinayay awgeed. Kadibna Xaafidul-Asad ayaa lagu salladay ilaa dagaal sokeeyo uu ka aloosamay. 

Dagaalkaa sokeeye 1975 ee Lubnaan waxaa lagu xaliyay 1989 Heshiiskii Taa’if oo ay dowlado lakala safnaayeen siyaasiyiinta Lubnaan. Sacuudi-USA-France waxay wateen 14 March Movement, ka kooban Sunni-Maronite oo lagu yaqaanay Rafiiq Al-Xariiri oo uu dhaxlay wiilkiisa Saacid Al-Xariiri, caanka ku noqday isagoo Riyaad jooga in 4 Nofeember 2017, uu Maxamed Bin Salmaan (MBS) guri intuu ku xirtay, ku khasbay in uu TV-ga Sacuudi hortiisa iska cazilo xilka Ra’isul Waraarnimada Lubnaan, kuna eedeeyo Iiraan iyo Xisbulah, illaa markii danbe Macron-Faransa uyimid si’uu uga soo daayo xabsiga MBS. Meesha 8 March Movement ay yihiin isbahaysi Shiica-Maronite oo ah udubka Iiran-Suuriya-Xisbullah oo ay horboodayaan Xasan-Nasrallah iyo Madaxweyne Miishaal Cawn oo gabadhiisu lataliye u aheyd sida Madaxweynaheena, iyagana waxaa xarig kuhayay Qasim Suleymaani. Waxaa loolanka dib ugu soo biiray Qatar oo keentay mashaariic dib udhis dagaaladii Xisbulah-Israel kadib iyo qeybin dollar fara badan, iyadoo ka faa’iideysatay sal la’aanta siyaasadeed ee MBS, meesha Maxamed Bin Zayed (MBZ) uu sidii gorgorkii dusha ka eegayay, isagoo adeegsanaya Lubnaaniyiinta Diasporaha ee kudhaqan UAE.

Taariikhdaas 162 sano jirta, heshiis-siyaasadeed ama awood qeybsi kasta ee ka dhaca Lubnaan ilaa maanta, waxaa qeyb ka ah dowlado shisheeye oo kadhex arka dano istiraatiiji ah oo ay ugu jirto dalalkooda. Faragelintaas shisheeye waxaa gundhig u ah, kudanaysi firqooyinka kala duwan ee dalkaa, waxaana matoor u ah kooxo-siyaasiin ah oo wadamadaas u kala dab-qaada, mid walbana kan kale u arko jaajuus shisheeye, isagoo laftigiisu fulinayo masaalix-danaysi dal kale, dadkiisana waxay u taageeraan si indha la’aana, maadama qoloba lagu xuuxiyo qoloda kale ee ka diin duwan. Caruurta siyaasiyiintaas waxay ku koraan dalalka ay aabayaashood u shaqeeyaan, sida Saacid Al-Xariiri ugu dhashay, oo koray Sacuudi, waana sababta uu Maxamed Bin Salmaan ugu dhiiraday in uu qol ku xirto oo siyaasad-saqiiro-suujiyo. Waxaas oo la isku daray ayaa sabab u ah in aysan Lubnaan laheyn xasilooni siyaasad, mid dhaqaale iyo mid bulshaba, dalkuna uyahay mid ay uun usoo tumasho iyo tamaashaad tagaan Carab iyo reer Galbeedba, maadama dumar qurxoon yihiin. Dhalinyarada Lubnaan wax rajjo ah ama mustaqbal jiritaan kama arkaan dalkooda hooyo, waa quusteen.

Xaaladda Dalkeena & Siyaasi ah Cabdun-Mamluukun Waxba Awoodin

Xaaladdaas Lubnaan xaalad lamid ah waxay ka jirtaa wadankeeni hooyo, waayo sida ay siyaasiyiinta Lubnaan ugu kala dab qaadi jireen shisheeyaha 1861, ayaan gumeystihii ugu kala dab qaadi jirnay. Balse 1940-kii iyo kontomeeyadii waxaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed kala laaluushi jiray Ingiriis-&-Talyaani, in ay ka dhaadhiciyaan shacabka Soomaaliyeed, qoloda u fiican inay cabiid usii ahaadaan. Siyaasiyiinta waxay u kala qeybsanaayeen koox u dooda maxmiyad Talyaani iyo koox u dooda maxmiyad Ingiriis. Waxaaba jiray xisbi dhan oo siyaasi ah oo ilaa UN-ta ku doodi jiray in la iska kaaya cabiidsado oo aanan aheyn dad xor noqon kara. Si kastaba ha ahaatee, waa la iska kaaya sii daayay oo Talyaani-&-Ingiriis waxay siyaasiga Soomaaligaa u arkeen Cabdi-Mamluuk ah, culeys ku ah, waxtar aan ulaheyn, jihadi loo dirana aanan kheyr uga keenayn, wayse kujireen rag daacad ah oo aanan helin fursado.

Markii xariga nalaga furay, waxan galnay siyaasad kudhisan kooxeysi-qabyaaladeed, faham curdun-&-ciriiri ah. Kadibna fudeyd iyo waali dartood, ayaan 60aadkii dalalkii dariska nala ahaa dagaalo la galnay, ileyn waxaanu ahayn Cabdun-Mamluukun waxba awoodin oo dunida lagu soo daayay’e, waxna aqoon, cid leh oo ceshan kartana jirin. Waagaas ayuu siyaasiga Soomaaliyeed soo bartay oo tijaabiyay Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare lugta is-haya oo midna Galbeed shir uga jiro, kan kalana Bari iyo Shuuciyad hub kasoo saxiixdo. Walow aan taariikh sugan laheyn, waxaase la xusaa siyaasiyiintii waagaas in ay u kala dab qaadi jireen Eas-&-West iyo dariska. Deedna lagu salladay Haile Selassie oo ahaa bahal dawac ah.  

Tijaabo 2aad Falsafaddii Fircooniga Ee Na Kala Qixisay

Baxsadkii cabiidnimada oo lagu daray curdankii iyo ciyaalnimadii siyaasadeed waxay dhashay in afka loo galo caqli hal nin oo kudhisan aragtidii Fircooniga ee Quraanku xusay; “Waxan idiin soo arko ama iraahdo mooyee wax kale majiraan”, qabiil hebel baraago kagub, qabiil hebelna xuduuda Wajaale ka daadi, qabiil hebel dameeraha keliya ha raacaan, caanaha’na Xamar ha keenaan, qabiil hebelna ha noqdaan jawaasiis iyo askar wax disha. Sidii Lubnaan loogu salladay Suuriya oo Xaafidul-Asad uu boolbool u kala furtay, kadibna dagaal sokeeye geliyay 1975, si lamid ah waxay falsafadaas Fircooniga ah dhashay in nalagu sallado Itoobiya oo wiilkeedi Malez ee ay gabdhaheeni quruxda badnaa ku quraac siin jireen canjeelo-macsaro iyo sonkor leh hotel Curuba, inuu boolbool noo kala furfuro, u kala dab qaadno, qoloba qolo ka horgeeyo, ileyn farsamada wuxuu ka dhaxlay awoowgiis Haile Selassie. Waayahan danbe, Madaxweyne Xasan Shiikh si’aan loogu imaan, loona weydiisan qandaraasyada uu gacanta u geliyay caruurtisa iyo xaasaskiisa, wuxuu fariistay Dhuusamareeb, garkii iyo timihiina waa deystay isagoo iska dhigaya general ay xabbadihii ka dhamaadeen, laakin waxaa xaqiiqa inuu cadowgaas hal waxar ah kasoo dhacsan waayay. Dunidii iyo UK oo madaxa uga taagneyd, maslaxadeeheeda u saxiixay, una qeylo dhaansaday oo ka dalbaday hub u fasixid iyo nidaam keli talisnimo, si’uu dib noogu soo celiyo falsafaddii Fircooniga aheyd ee aan 21 sano kusoo jabnay, na kala qixisay, nagana kala dhigtay jifooyin u kala baxa laf-laf oo kasoo qeyliya Tiktok-yada inta u dhaxeysa Guatemala ilaa Tibet. Falsafadaan oo Madaxweyne Farmaajo aad u jeclaa, laakin ka xumaatay, Xasana isleeyahay ka gaarsii, sidii Farmaajo yaysan kaa xumaane! 329 Xildhibaan gacmaha ma u taagi doonaan in reerayowga ay matalaan qoloba si Xasan ugu daneysto, kadibna hubkaa lagu gumaado, la qaxiyo oo dalkan mar 2aad kusoo baxo “Noolow Ma Daalahow”, nin loo qaado?

Sida Lubnaan 1989 Taa’if loogu qabtay “Lebanon National Reconciliation Conference” oo saamigii 6:5 loogu bedelay saami ah 5:5, ayaa inagana Carta iyo Mbagathi naloogu qabtay “Somali National Reconciliation Conference” 08 July 2004 xeer nalooga dhigay 4.5, iyadoo qorshaha fog yahay in siyaasiyiintu ahaadaan cabiid-xor-ah, laakin sida Lubnaan fuliya masaalixda istiraatiijiyadeed ee dalalka isku kaaya haysta, siyaasi walbana kan kale farta ku fiiqo, isagoo qabyaalad ama xarako-diineed ku awr kacsanaya, sida siyaasiga Lubnaan ugu awr kacsado diinta iyo firqooyinka, isagoo og in laga leeyahay, lagana masruufo dal kale.

Ku Faanid Dollarka Carabta & Isku-eedeyn

Wixii ka danbeeyay 2012, waanba sii dallacnay oo Jiyo-siyaasiga iyo istiraatiijiga Soomaaliya waxaa kusoo biiray Petro-dollarka Carabta oo ay warbaahinta Jazeera albaab u aheyd. Waxaa markhaati dhow ah lacagaha doorashooyinka Soomaaliya ee Qatar iyo Imaaraad laga kala keeno oo nin walba uu kufuliyo masaalixda dalalkaas, isagoo cabdun-mamluuk ah oo lagu kala faanayo, hebel dowlad hebel ayuu kasoo qaadaa. Faankii ayaa hadda noqday in la isku caayo, si shacabkan daacadda ah ee 60 sano hungoobay loo marin habaabiyo. Tusaale, Agaasime Fahad Yaasiin wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynayaasha Maamulada; Muuse Biixi, Dani iyo Axmed Madoobe in ay khaddaamiin u yihiin UAE iyo su’aalo bilaa jawaab ah, dalkan carbeed muxuu ka rabaa Soomaaliya? Haddaba, Jiilka-1991-Kadib, ha isku darsadaan xogaha iyo macluumaadkooda, hana weydiiyaan; Fahadoow, adiga shaqo noocee ah ayaad u haysaa, kana haysaa Qatar? Maxay’se ku dhacday adigoo Taliye Nabadsugid Qaran ah in 2019-kii dal shisheeye ku siiyo guri qasri ah, gawaari, caruurtaada laguu siiyo waxbarasho iyo masaariif, ilaa haddana dalkaas ku hayo, meesha caruurta Xamar degan ay dhiiqo iyo qarax ku nool yihiin oo aad uga dooneyso taageeridda NN darteed, in aad farta ugu fiiqdo rag la og-yahay iyaga iyo qoysas kooda in ay u shaqeystaan sidaada oo kale? Muxuuse dal kale oo caadi ah sameyn lahaa, haddii Taliyihiisi Qaran uu magan u noqon lahaa, ugxantiisana dhigan lahaa dal kale, isagoo xilkaas haya? Maxayse dowladaan Carbeed kuugu soo dhiibi jirtay 12-milyan sedexdii biloodba oo ay ka rabaan Soomaaliya, sida UAE? Mise Qatar waa dowlad goboleed kamid ah Federaalka Soomaaliya, Imaaraadkuna waa dal shisheeye? Mise Qatar waa ehelkii Aala-Shiikh Ibn Cabdiwahab oo waa in la raacaa? Mise Qatar iyo UAE waxaa ka dhaxeeya xifaaltan-siyaasadeed ilaa waagii Aali Nahyaan ee sagaalkii Imaaradood, oo aysan dan iyo heelo ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, laakin sida Lubnaan isku kaaya eryanaya iyagoo idin soo dhexmaraya?

Yaa Caruurteena Noosoo Deynaya Haddii Laga Dhigto Cabdun-Mamluuk?

Xogaha hoose waxay sugaan in Fahad uu wiilkiisa Cammaar u geeyay madaxda Al-Jazeera oo shaqo laga siiyay warbaahintaas, waxbarashadii batroolkana laga tiiriyay, si uu jidkii aabihii u hayo, sida Saacid Al-Xariiri uu aabihii Rafiiq-Al-Xiriiri gacanta ugu geliyay Aala-Sacuud, illaa uu MBS markuu shaqadiisa ku qanci waayay qol kuxirtay oo Macron kasoo furfuray! Maxaase ku jaban haddii Madaxweyne Xasan Sh, Muuse Biixi ama Dani ay ilmahooda; Jihaan, Cabdullaahi, Cabdi ama Axmed ay shaqaale u noqdaan UAE ama Sultan Axmed DP World? Waxaase is-weydiin mala awaal (hypothetical) mudan; Haddii mustaqbalka wiilasha ay dhaleen Tamim Bin Hamad Al Thani ama MBZ ay Jihan, Cammaar, Cabdullahi ama Axmed u arkaan cabdun-mamluukun aan waxtar laheyn oo qol kusoo xirtaan sida Al-Xariiriga Lubnaan, yaa ciyaalkeenaa Soomaaliyeed nooga soo furfuraya wiilashaas boqortooyooyinka lacagta haysta ileyn Macron oo kale ma haysanee? Ugu yaraan Jiilka-1991-Kadib waa markhaati nool oo aan la siri karin, maadaama dhacdooyinka la nool yihiin.

Xogo kale oo hoose waxay xusaan in 2019 uu safiirkii Qatar, Xasan-Xamsa yimid guriga RW Xasan C. Kheyre, muddo labo saacna lagu hayay fadhiga sugidda. Safiirka markuu jactaday oo dowladii uu masruufayay noqotay adoon-kibray, wuxuu soo wacay Abubarka Bashiir oo kamid ah dadka Qatar u shaqeeya. Abubakarna wuxuu sii wacay Taliyaha oo dacwadii safiirka boqortooyada Qatar u sheegay. Kadib, Fahad wuxuu furka kutuuray RW Xasan oo aan dhaqanka Carabta aad u aqoon, oo wali dhaqan Galbeed iska leh, ilaa Xasan-Xamsa sharaf loo qaabilay. Bilcaksi, isla waagaa, qofkii safiirka UAE la kulma ama salaama, naqaskaa lagu dhajin jiray, shaqo walba oo uu hayana waa laga eryi jiray xattaa waardiye. Waana sababta ay Cabdalla-Cadalla iyo Fahad biyo isaga dhex arki jireen, ileyn way isku shaqo ekaayeen. Marka in Farmaajo iyo isaga looga dhaarto harsad iyo hoyaad, soo ilaalin masaalix Qatar ma aheyn? Waxaa kaloo xusid mudan in faanka NN, ay kadigtay in Puntland laga dhigayo sida Yemen. Fahad isagoo xil iyo xeelad hayn ayuu qoraal dheer ku tilmaamay Puntland Kurdistaanka Soomaaliya. Markuu xilka helayna wuxuu damcay inuu ku jajabiyo Jabiye-iyo-jeebkiisa, kamase xumaan inuu Dani qabsaday ileyn Dani & Fahad waa isku dabeecad oo burbur ayay ka shaqeeyaan iyo masaalix kale. Markuu xilkii waayayna wuxuu la jeclaystay dhibta ka aloolsan PL iyo in shiddadooda, isqaadqaadkooda qaabka darran iyo kula loolankooda UAE, laguba daro Yemen oo Soomaaliya laga saaro, si shaqada Qatar fudeyd loogu qabto gobolada Koonfureed ee Soomaaliya. Marka haddaan safiiradooda in la qaabilo sidaa uga gubanayno oo RW Qaran lagu canaantay, kuna sigtay inuu markaa xilka waayo, maxaad u eedeyn Muuse, Dani iyo Madoobe? Waa is-weydiin aan lagu qancin karin qofkii uu maankiisa iyo damiirkiisa joogo oo aan xayaysiis lagu raran sida Geylan iyo Cirro ee buug dacaayadeed u qoraya Cabdun-Mamluuk, awliya isku ekaysiin doona, dadkana maagi doona.

Iyadoo sidaa la ogyahay, ka warran, haduu nin yiraahdo lacagta aan dal-hebel ka keeno ayaa ka xalaal badan midda aad dal-hebel ka keenayso, adiguna aad la dhacdo sida Sh. Cabdiraxmaan-Bashiir Jabuuti oo aad u aragto lacagta Dooxa inay ka ajar badan tahay tan Abu-Dhabi, caadifad diineed ama siyaasi awgeed? Ogow lacagahaas kulli waa dollar oo waxaa kuwada sawiran George Washington, kadibna aan kuugu sheekeeyo NN ayaa dalka dhiig ka badbaadisay, kana waddanisan, Damul-Jadiid? Waayo dal ka fiican dalka ay la shaqeystaan, ayaan la shaqeysanaa? Tani fatwo-siyaasadeed uma baahna, ee waxaa ku filan caqliga Jiilka-1991-Kadib ee soddon jirsaday maanta? Shacabkii Soomaaliyeed ee daacadda ahaa 60aadkii iyo 70aadkii, waxaa ku yaraa macluumaadka iyo fahamka caalamka, maadama dunida waagaa aysan isugu furfurmin ama u hormarin sida tan maanta. Laakiin Jiilka-1991-Kadib, wuxuu haystaa macluumaad, indha furnaan dunida daafaheeda kula socdo. Sidaa darteed, waa adag tahay in doodo-raqiisa lagu siro sida jiilashii hore, haddaan lagu sireyn jifo-jifeysi siyaasadsan, sida Lubnaaniyiinta loogu siray firqo-firqeysi siyaasadsan.

Hadaad Fiirsatay Sacaadu-diin Köpek, Waad Baratay Fahad, Madoobe & Dani

Gunanaadkii, qofkii raba inuu fahmo Fahad iyo inta la midka ah ee diinta iyo wadaniyadda isku qariya, dib ha u jalleeco ama daawado Musalsalka Turkiga ee caanka ah; Diriliş Ertuğrul. Musalsalkaan waxaa kujira, jilaa khatar ah oo la yiraahdo Sacaadu-diin Köpek. Sacaadu-diin waa amiirka iyo kaaliyaha siyaasadeed ee Suldaan Calaa’u-Diin Keyqubad ee Seljuq Sultans of Rum. Amiirku isagaa seexsha oo soo kacsha Sultaanka, sida Fahad u seexsho, una soo kacsho Farmaajo. Köpek wuxuu la shaqeysan, una shaqeyn jiray Byzantiniyiinta, Mangooliyiinta, wuxuuna kala hayn jiray, iskana horkeeni jiray qabaa’ilka Turkida. Wuxuna xariif ku ahaa cid walba oo qolo kale la shaqeysata inuu eedeeyo, dadka ka horkeeno, lagana takhaluso, si’ay xukunka u dhaxlaan isaga iyo awlaadiisa, waayo awood-&-xukun ayuu u gaajeysnaa. Waxaa fahmay oo dhuunta u galay Ertuğrul oo ahaa aabaha Cusmaaniyiinta, aadna u caqli badnaa, Amiirkuna aad u necbaa, iskuna dayay inuu siro ama shirqoolo dhowr jeer, kana faafiyay dacaayado, ugu danbeyntii Ertuğrul ayaa ka takhalusay Amiir Köpek. Hadaad Amiir Köpek daawato oo si saxa u fahamto, waxaad fahmaysaa shakhsiyadda dhabta ah ee Fahad Yasiin, A. Madoobe iyo Dani. Kadibna Farmaajo, Biixi & Xasan Shiikh iyo siyaasi walba oo ah “Cabdun-Mamluukun laa Yaqdiro Calaa Shey”, kuguma siri doono wadaniyad iyo diin aan lagaa xigin. Farmaajo iyo Fahad gaarsiiya; intaad gashaan guryo wada quraarado ah oo Dooxa kuyaala, dhagaxaan haku soo tuuryeenina kuwa idinla midkaa ee guryaha quraaradaha ah uga jira Abu-Dhabi, waayo jajabka muraayadahaas waxay dhaawacayaan shacabka Soomaaliyeed ee dulman oo aydin cusbitaalo lagu daaweeyo uga dhisin dollarkii Qatar iyo Imaaraadka.

Allaha xafdiyo Soomaaliya iyo Soomaali oo dhan, meel walba oo ay joogaan, aamiin.

W/Q

Luqmaan-Xakiim Xuseen

luqmaanxakiimxuseen99@gmail.com

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles