Joào Félix Oo Saddax Arrimood Oo Muhiim Ah Kahadlay

João Félix Weeraryahaanka Reer Portugal Iyo Kooxda Barcelona Ayaa Cadeeyey Rabitaankiisa Ku Aadan Siijoogistiisa Gigada Camp Nou Wuxuuna Qandaraaskiisa Amaahda Dhacayaa June .

Fariin Cad Ayuu U Diray Kooxda Milkiyadiisa Leh Ee Atlético Madrid Taasoo Uu Ku Muujinayo Inuu Ku Faraxsanyahay Barcelona Asiga Iyo Qoyskiisaba Wuxuuna Yiri Sida Tan :

“Waan Jeclaan Lahaay Inaan Halkaan Inaan Halkaan Joogo Hubaal Qoyskeyga Ahaan Halkaan Wey Jecelyihiin Laakiin Aniga Iguma Xerna , Aan Aragno Waxa Dhaca Waan Jeclaan Lahaay Camp Nou Inaan Ku Ciyaaro Sidaa Daraateed Waa Arki Doonnaa Waxa Loo Baahanyahay In La Sameeyo Si Ay Taasi U Dhacdo ”

Sidoo Kale Wuxuu Tilmaamay Inuu Jeclaan Lahaay In Macalin Xavi Uu Go’aankiisa Badalo Si Uu Kooxda Usii Leyliyo Fasalka Danbo Wuxuuna Kutilmaamay Macalin Weyn Oo Fiican Oo Falsafad Fiican Leh .

Dhanka Kale Wuxuu Soo Hadal Qaaday In Sxbkiis Isku Wadanka Yihiin Ee Bernardo Silva Uu Jeclaan Lahaay In Ay Barcelona Ku Midoobaan Isagoo Kutilmaamay Ciyaaryahaan Weyn Oo Taya Sare Leh .

Wuxuu Cadeeyey In Silva Marwalba Uu Weydiiyo Wax Barcelona Ku Saabsan Sida In Qoyskiisa Halkaas Joogaan Cml, Félix Ayaana Ku Dhahay Sxbkiis Wax Walba Waa OK Sidaas Darteedna Uu Sugayo Inuu Kooxda Kula Soo Biiro .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles