Kooxda Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo Kimmich suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda. Ka dib ku dhawaad 10 sano oo uu la joogay kooxda Bavarian, Joshua Kimmich ayaa laga yaabaa inuu ku jidho waqtigiisii ugu dambeeyay ee Bayern Munich.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, Bayern ayaa diyaar u ah inay iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka hadii dalab ku haboon uu yimaado, tani iyo ka dib markii kooxdu ay heshay ciyaaryahan bedeli kara 29 jirka khadka dhexe, Aleksandar Pavlovic.
Dhanka kale, ciyaaryahanka ayaa sidoo kale meesha ka saarayn inuu isbedel ku yimid muuqaalkiisa iyo caqabad ku cusub xirfadiisa, isagoo naftiisa siinaya fursad uu ku tixgeliyo dalabaadka uga imaanaya kooxaha kale ee xiiseynaya.
Sababta kale ee Kimmich loo filayo inuu kooxda ka tago xagaaga soo socda ayaa ah booska cusub ee uu ku soo bilaabay kulamadii u dambeeyay (Daafaca Midig), booskaas oo ay Bayern doonayso inay ku xoojiso xilli ciyaareedka soo socda Jeremy Frimpong oo haatan u ciyaara Bayern Leverkusen. Isagoo ka jawaabaya xaaladdan, Kimmich ayaa mar hore ka hadlay wuxuuna caddeeyay in hadda, waxa ugu muhiimsan isaga ay tahay inuu ilaaliyo waxqabadkiisa wanaagsan.
“Xaaladeyda aad ayay u caddahay, wax ka badan hal sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga, welina cid ila hadashay ma jirto, waan deganahay, waxaa noo soo socda Euro. ka dibna waan arki doonaa,” ayuu yiri ciyaaryahanka.
Ilaa hadda, waxaa jira shan kooxood oo u tartami kara ciyaaryahanka khadka dhexe: Manchester City, Liverpool, Arsenal, Barcelona, iyo Real Madrid. Kooxahan, ayaa la sheegay in dhowr jeer ay la soo xiriireen isaga iyo kooxda si ay ugala hadlaan bixistiisa; si kastaba ha ahaatee, wali ma jiro wax rasmi ah oo la xaqiijiyay.