Kadib Dhacdadii JUBA Madaale oo amar culus kasoo saaray

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku baxay goobta uu shilku ka dhacay, wuxuuna dadka gaadiidka iyo basaska wata u sheegay waxa ay sameynayaan.

Madaale ayaa sheegay in arinta dhacday ey tahay mid foolxun kadib markii gaari weyn oo konteenar waday uu jiiray gaari caasi ah oo ay dad ku jireen. Dadka qaar baa ku dhintay halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Madaale ayaa sheegay in gawaarida waaweyn ay habeenkii kaliya socon karaan, oo aysan maalintii socon karin.

Markii hore, baabuurta xamuulka ah ayaa loo sheegay inaysan wadi karin maalintii, laakiin hadda waxay kaxeyn karaan 10:00 habeenimo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii xalay dhacay uu mas’uul ka yahay cidii gaariga ka soo dejisa Dekadda weyn ee Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa sheegay in qofkii fasax ka hor inta aan amarka la siin uu mas’uul ka yahay dambigaas.

Waxa uu u sheegay Booliska in ay joojiyaan gaadiidka xamuulka ah ee jabinaya shuruucda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in gaadiidkaasi laga rabo in ay sugaan inta laga gaarayo xilliga ay magaalada dhex mari lahaayeen.

Waxa uu sheegay in magaalada ay ku badan yihiin dadka iyo wadooyinka oo aan ku filneyn, taasina ay keentay in isku socodka dadka iyo gaadiidka ay isku xirmaan.

Magaaladu runtii aad ayay u camiran tahay sababtoo ah waxaa ku badan dad iyo baabuur, wadooyinkuna sidii hore uma wayna.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles