kalluumeysato Soomaali ah oo sadex bilood lagu la’aa badda ee laga helay Maldives

Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii shalay laga helay Jasiirada Maldives.

XIGASHADA SAWIRKA,MALDIVES POLICE

Qoraalka sawirka,Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii shalay laga helay Jasiirada Maldives.
Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii shalay laga helay Jasiirada Maldives.

Saddex-da nin ee Kaluumaystada ah oo Laash ay ku Kalluumaysanayeen ka raacay xeebta Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in ay Baddu ku kacday isla markaana ay jihadii ka lumisay.

Dawladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Maldives ayaa hadda ka wada shaqaynaya sidii saddexda nin loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho oo ah bartii ay dabayluhu ka soo qaadeen. Maldives iyo Soomaaliya waxay isu jiraan masaafo ka badan 3 kun oo kiilomitir oo dhinaca Badda ah.

Kalluumeysatada ayaa la rumeysan yahay inay ka soo shiraacdeen xeebta magaalada Muqdisho.

Kalluumeysatada oo loo maleeyay in ay dhinteen kadib markii laga waayay biyaha Soomaaliya, ayaa waxaa arkay koox ka mid ah dadka jasiiradaha ku dhaqan oo u baxay gurashada qumbaha. Sida uu sheegay booliska.

Sawir laga soo qaaday doonta ay wateen kalluumeysatada ayaa waxaa ku qornaa ‘Farmaajo’ madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee uu talada dalka kala wareegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waanu aamini weynay markaan aragnay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka jasiiradda. “Wax yar bay jahawareereen, laakiin sidooda kale waxay u muuqdeen kuwo niyad wanaagsan.”

Kalluumeysatada ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla deegaanka, waxaana la filayaa inay si buuxda u bogsadaan. Dowladda Maldives ayaa si deeqsinimo leh ugu yaboohday in ay dib ugu soo celiso Soomaaliya marka ay caafimaadaan oo ay safri karaan.

Maxaan ka naqanaa wiilashan?

"Waanu aamini weynay markaan aragnay," ayuu yiri mid ka mid ah dadka jasiiradda. "Wax yar bay jahawareereen, laakiin sidooda kale waxay u muuqdeen kuwo niyad wanaagsan."

XIGASHADA SAWIRKA,MALDIVES POLICE

Qoraalka sawirka,“Waanu aamini weynay markaan aragnay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka jasiiradda. “Wax yar bay jahawareereen, laakiin sidooda kale waxay u muuqdeen kuwo niyad wanaagsan.”

Timiro Cosoble Barre oo BBC-da la hashay ayaa sheetay in muddo saddex bilood ah aysan wiilashaas ka helin wax war iyo wacaal ah balse hadda ay aad u faraxsan tahay warka wanaagsan ee dhageheeda ku soo dhacay kaas oo sheegay in wiilashaas oo mid ay iyada dhashay, midna eeddo u tahay halka kan kalana ay ayeeyo u tahay.

“Wiilasheena waxaa noogu war dambeysay 27-dii bishii afaraad ee sannadkan, markii ay baxaayeena hal nus-kiilo oo baasta ayay cunno ka qaateen, waxaa la is lahaa marka ay soo casheeyaan oo ay kalluun soo jalaabtaan ama ay soo waayaanba inay marsada degmada Cabdicasiis ku tallaa ku soo noqdaan balse markaas ayaa warkooda noogu dambeysay.”

Waxay hooyo Timiro sheegtay in maalintaas wixii ka dambeeyay aysan wax warkooda ku saabsan maqalin nolol iyo geeri toona.

“Wax war ah kama haynin Alle ayaa iska talo saaranay haddana Alxamdulilaah Alle waxba nagama halleyn oo taa warkoodii la helay.”

Waxay sheegtay in wiilkeeda oo la yirahdo Shuceyb Cali Cambar oo 28 jir ah uu ahaa naaquudaha doonta waxaa ku wehliyay Daadir Sakariye Cabdi 18 jir ahna wiil ay ayeeyo u tahay iyo Maxamed Cabdullaahi Cosoble oo uu walaalkeed dhalay oo isna da’diisu tahay 39.

Wiilekyga keliya ayaa garanayay si doonta loo wado oo uu mararka qaar caawinayay wiilka yar ee aan ayeeyada u ahay balse kan aan eeddada u ahay waxba kama uusan garanayn.

Dareenka hooyo Timiro iyo qoyskeeda

Waxay BBC-du u sheegtay in markii ay qoyskooda maqleen warkaan ay aad u farxeen Alle u mahadceliyeen.

“Warka waxaa noo soo sheegay wiil xeebta joogo oo ka tirsan iskaashatada Cabdicasiis oo aan u maleynayo inuu qof kale la soo wadaagay, kadib sawirradooda iyagoo meesha joogo ayuu noo qeybiyay marka sidaas ayaan warka ku helnay.”

“Markii aan maqalnay warkaas farxadda leh, qaar ka mid ah qoyska waa ay ooyeen qaarna waa bood-boodeen farxad darteed anna Rabbi baan u mahad-celiyay oo dib igu soo celiyay ka dibna salaad sunno ah ayaan dukaday.”

Waxay sheegtay in dowladda aysan wax xiriir ah ama macluumaadka wiilashaas aysan ka helin.
Codsiga Hooyo Timiro

“Waxaan dowladda ka codsaneynaa gaar ahaan madaxweyneheena iyo intii wax garad ah iyo sidoo kale xildhibaanada iyo wasiirada anaga sabool baa nahay waxba ma haysano in ubadkeena noola soo celiyo,” ayay BBC-du u sheegtay Timiro oo aad u qiiraysa

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles