Kane Oo Dhaawac Anqawga Ah Kusoo Baxay

Harry Kane Xiddiga Reer England Iyo Kooxda Bayern Munichen Ayaa Dhaawac Anqawga Ah Kasoo Gaaray Kulankii Shalay Kooxdiisa Bayern 5-2 Kaga Badisay Kooxda Darmstadt Kulan Katirsanaay Horyaalka Bundesliga .

Ninka Ugu Badan England Dhanka Gooldhalinta Kaasoo Dhaliyey 62 Gool Ee Kane Ayaa Shalay Dhaliyey Goolkiisi 31-aad Ee Xilli Ciyaareedkaan Tartamada Oo Dhan Kahor Inta Aan Lagaarin Qeybta Labaad Ee Ciyaarta Ayadoo Ugu Danbeyn Labadalay Qeybta Labaad Ee Ciyaarta Dhaawaca Soo Gaaray Aawgii .

Weeraryahaanka Ayaa U Safray Si Uu Usoo Guto Waajibaadka Qaran Ee Xulkiisa Kasaaran Waxaana Halkaas Lagula Tacaali Doonaan Xaaladiisa Caafimaad Ayadoo Ay Halkaas Joogaan Waax Caafimaad Oo Kasocota Dhanka Kooxda Bayern .

England Ayaa Ciyaareysa Laba Kulan Oo Saaxibtinimo Ah Kuwaasoo Ukala Baxaayaan Brazil Iyo Belgium Waxaana Ay Qeyb Kayihiin Isku Diyaarinta Tartanka Euro 2024 Ee Dhamaadka Summer-kaan Laciyaarayo .

Masuul Kasocda Bayern Oo Kahadlay Xaalada Kane Ayaa Sheegay Inuu Ku Kalsoonyahay In Kane Uusan Qaadan Qaadan Doonin Xaalad Risky Ah Ama Haliis Ah Taasoo Sababi Karto Inuusan Taam U Noqonin Kulamada Muhiimka Ah Ee Nagu Soo Fool Leh .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles