Khawaarijta oo Shaacisay inay gacanta ku dhigeen Diyaarad Done ah

Maanta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen diyaarada duuliyaha aanan laheyn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Sida ay sheegeen Al-Shabaab, waxa ay qabteen diyaarad yar oo basaaseysay, Al-Shabaab ma aysan sheegin qaabka iyo halka ay ka kaxeysteen diyaaradda yar.

Diyaaradan ayaa waxaa sameeyay shirkadda Textron Systems oo laga leeyahay dalka Mareykanka, sida ka muuqata sawirada.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay la socdaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxaana mararka qaar ay sameeyaan waxyaabo ay ku doonayaan inay ku joojiyaan Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen diyaarado oo ku soo dhacay deegaanadooda sababo la xiriira dhibaatooyin sababay inay burburaan.

Bishii Janaayo ee sanadkan, Al-Shabaab ayaa diyaarad Helicopter ah ka qaatay Qaramada Midoobay. Diyaaradda helicopter-ka ayaa waxaa ku sugnaa dad u dhashay Soomaaliya iyo dalal kale. Helicopter-ka ayay ku dejiyeen meel ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles