Kiiski Sayid Cali iyo Marxuumad Luul oo war cusub kusoo kordhay!

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 6-dii bishii hore dil ku xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay gubashada xaaskiisii oo lagu magacaabo Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarey dabka.

Kiiska Luul Sheekh Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayay dad badan ka dhursugayeen xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Luul – oo sida la sheegay xaamilo ahayd – ayaa labadii February u geeriyootay dhaawaca gubasho dabayaaqadii January kasoo gaartay gurigii ay degganaayeen ee magaalada Muqdisho.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles