Klop Oo Difaacay Hadalkii Arnold Iyo Warar Kale

Labada Walaalo Ee Asal Ahaan Kasoo Jeeda Dalka Ghana Ee IƱaki Williams Iyo Nico Williams Kuwaasoo Kala Matala Ghana Iyo Spain Ayaa Waxa Ay Dalka Ghana Kadhiseen
Dugsi Ama Iskuul Caruurta Wax Lagu Baro Si Ay Fursad U Helaan Caruurta Waxbarasha La’aanta Ah Ee Dalkaas .

Sidoo Kale Uniform U Gaar Ah Ayey Usoo Direen Kuwaasoo Loogu Talagalay Caruurta Ka Qeyb Qaadaneyso Dugsigaas .

Dhanka Kale Kooxda Spurs Ayaa Daneyneysa In Ay Toos Ula Wareegaan Xiddiga Amaahda Ugu Joogo Ee Timo Werner Kaasoo Ay Ku Doonayaan 17 Milyan Oo Euro .

Macalin Ange Ayaa Ammaanay Xiddigaan Sida Uu Muhiim Ugu Yahay Kooxdaan Wuxuuna Tilmaamay In Ay Wax Badan Kafilanayaan.

Mamuka Jugeli Oo Ah Wakiilka Kvaratskhelia Ayaa Tilmaamay In Ay Wadahadal Kula Jiraan Kooxda Napoli Wuxuuna Tilmaamay In Xiddiga Uu Kaliya Kooxda Katagi Doono Hadii Ay Helaan Dalab Waali Ah Taasna Aysan Aheynin Mid La Diidi Karo .

Wuxuu Tilmaamay Wakiilka In Wax Walba Kala Cadaan Doonaan Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Wuxuuna Diiday Inuu Sheego Dalabka Waali Ah Cadadka Uu Noqon Karo Asigoo Lahadlayo Wargeyska Gazzetta .

Macalinka Spurs Ange Postecoglou Waxa Uu Sheegay In Pedro Porro Uu Kooxda La Tababartay Sidaas Darteedna Uu Diyaar U Yahay Kulanka Isbuucaan Waxa Uuna Ku Daray In Inta Kale Aysan Diyaar Aheynin .

Dhinaca Kale Macalin Tenhag Ayaa Sheegay In Rashford Iyo Evans Ay Diyaar U Yihiin Kulanka Isbuucaan Ee Everton Halka HĆølland, Miguire Iyo Wan Bissaka Ay Soo Laabanayaan Kulanka Liverpool.

Wuxuu Sidoo Kale Sheegay In Mason Mount Uu Soo Laaban Doono Ciyaaraha Xulalka Kadib .

Jurgen Klop Ayaa Difaacay Hadalkii Arnold Ee Huriyey Kulanka Isbuucaan Dhaxmaraya Liverpool Iyo Man City Kaasoo Jawaabo Badan Laga Bixiyey Oo Badanaa Man City Ay Jawaabo Kulul Kawada Bixiyeen .

“Waxba Kama Khaldano Waxa Uu Yiri , Mid Kamid Ah Halku Dhigeenna Waa Sidaan Waxa Ayna Nooga Dhigantahay Wax Badan Oo Macno Badan Ayey Nooleedahay Marka Aan Taas Dareemeyno Maxaa Noo Diidayo Inaan Taas Dhahno” Klopp Ayaa Sidaas Dhahay

Waxaa Uuna Ku Daray “Waa Sida Uu Dareemayo Wax Dhibaato Ahna Kuma Qabo Waan Hubaa Inuu Muujiyey Ixtiraam “.

Ugu Danbeyn Pep Guardiola Oo Dhankiisa Kajawaabaya Hadalka Arnold Ayaa Ku Gaabsaday Waxaan U Rajeynaa Soo Kabasho Deg Deg Ah Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles