Kooxaha Ingiriiska Oo Leys Daba Dhigay Iyo Falanqeynta Kulankii Man City Iyo Real Madrid

Anceloti Iyo Xertiisa Oo Waxba Kama Jiraan Kadhigay Riyadi Aheyd Ee Triple Cups Laba Xilli Ciyaareed Oo Isku Xigto Oo Uu Ku Riyoonayey Pep Guardiola Iyo Wiilashiisa Waxaana Ay Ku Dileen Rigoorayaal Gaaraya 3-4 Ayagoo Marti Ku Ah Etihad Stadium Kulan 90-ka Iyo Wax Lajira Leysla Dhaafi Waayey Barbaro 1-1 Ah.

Guud Ahaan Maamulka Ciyaarta Waxaa Gacanta Ku Haayey Man City Oo Sameysay Man City 34 Shuut, 64% possession Iyo 18 Koorno Halka Real Madrid Sameysay 8 shuut 36% possession Iyi 1 Koorno Maamulkaas Badan Waxba Kama Saacidin Oo Waa Laga Saaray Tartanka Waxaana Real Madrid Sameysay Dhabar Adeeg Ayadoo Daqiiqad Kasta Albaabka Loosoo Gargaraacaayey Balse Albaabkooda Ayaa Noqday Mid Shub Ah Oo Aan La Jibin Karin Waana Ay Ku Guuleysteen .

Taatikada Anceloti Ayaa Kudhisneed Qaab Difaac Kudheehan Rogaal Celin Deg Deg Ah Taasoo Uu Doonaayey Inuu Kaga Faa’iideysto Firaaqa Xagga Danbo Man City Laga Helayo Taasoo Sababeysa In Inta Badan Kubadda Heystaan Horana Usoo Dhaqaaqayaan Halmar Kaliya Ayeyna Kafaa’iideysteen Rodrygo Ayaana U Dhaliyey Waxaana Qeybaha Danbo Kabareejeeyey Kevin De Bruyne Oo Ka Faa’iideystay Kubbad Uu Si Qaldan Isaga Bixiyey Rudiger Taasoo Hortiisa Timid Shabaqana Uu Ku Hubsaday.

Kulankaan Wuxuu Ahaay Mid Haldhinac Kasocda Dhinaca Kalena Iska Caabin Kujireen Waxaana Aakhirka Muhiimada Gaartay Kooxda Iska Caabinta Kujirtay Ee Real Madrid Oo Usoo Gudubtay Wareega 4 Dhamaadka Tartanka Champions League Ayagoo Wajahaya Bayern Munich Oo Caawa Goor Hore Kafarxalatay Arsenal Kulan Adkaay Oo Kadhacay Alianza Arena Taasoo Bayern Kubadisay 1-0 Oo Uu Usaxiixay Kimmich.

Hambalyo Jamaahiirta Cad Cadka Waa U Qalanteen Inaad Usoo Gudubtaan Sidaa U Dhabar Adeegteen Iyo Qibrada Aad U Leedihiin Tartankaan Oo Idiin Saamaxday Halla Madrid 🙌🙌🙌

Kooxaha Ingiriiska Waa Leys Daba Dhigay Waxaana Muuqata Xagaaga Soo Socda Afar Kabadan Kuma Imaanayaan Marada Waa Ceshan Waayeen .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles