Kooxaha Spain Oo Caawa Leys Daba Dhigay Iyo Falanqeynta Kulamadaas Iyadoo PSG Iyo Dortmund Ay Wacdareeyeen

Kooxda Kubadda PSG Ayaa Iska Xaadirisay Wareega 4 Dhamaadka Koobka Champions league Kadib Markii Ay Goordhaw Rogaal Celin Cajiib Ah Ku Sameeyeen Kooxda Barcelona Oo Ku Sugneed Gurigooda.

PSG Lugti Hore Gurigooda Ayaa Lagu Soo Dubtay Waliba 3-2 Goolal Ah Balse Caawa Ayey Jawaab Taas Kaxeeldheer Kubixiyeen Guriga Barcelona Kadib 1-4 Oo Ay Ku Xaaqeen Kooxdii Loo Heystay In Ay Heysato Fursad Boqolkiiba 60% Ah Waxaana Ay Caawa Isugu Dareen Guuldarro Iyo Bandhig Waali Ah .

Kooxda Macalin Xavi Ee Barcelona Gool Ayey La Hormartay Ayadoo Hore Usoo Badisay Waliba Qaabka Ay Waqtigaas U Ciyaareysay Barce Ma Xumeynin Balse Waxaa Dhadhanka Ciyaartooda Barax Tiray Ronaldo Aruja Oo Kaarka Gaduudan Qaatay Kadib Markii Uu Dhulka Dhigay Barcola Oo Dib Dhaafay Islamarkaana Goolhayaba Waxba Aysan Kaxigin Markaas Kadib PSG Ayaa Indhaha Kala Qaatay Kadibna Goolka Bareejada Ufhaliyey Osman Dembele Sidaasna Qeybta Hore Kunoqotay 1-1.

Qeybta Labaad Ayey PSG Gaarigeeda Shidaal Xad Dhaaf Ah Kushubatay Si Uusan U Gaabin Maadaam Safarka Dheeryahay Waxaana Ay Heshay Laba Gool Oo Ciyaarta Dhinac Kale U Riday Vitinha Ayaa Labeeyey Waxaana Saddaxeeyey Laacibka Kulanka Hore Lagu Maadeysanayey Ee Kylian Mbappe Oo Rigoore Shabaqa Kuhubsaday Barcelona Waa Wareertay Waxaana Kaarka Gaduudan Loo Taagay Macalin Xavi Oo Dhiikarka Ku Kacay Kadib Markii Uu Udulqaadan Waayey Waxa Kusocda Kahor Goolka Saddaxaad Ee Mbappe.

Dhinackasta Caawa Barce Waa Laga Gacan Sarreeyey Waana Loo Awood Sheegtay Waxaana Aakhirkii Quusiyey Mbappe Oo 1-4 Kusoo Qatimay Kulanka Weynaay Isagoo Sidaas Kudhaliyey 41 Gool 42 Kulan Uu Fasalkaan Ciyaaray Alla Muxuu Xariif Yahay Midkaan Xawaaraha Badan .

PSG Caawa Aarsi Ayey Usocotay Waxaa Dhagahooda Ka Guuxaayey 2015 Kulankii Rogaacelinta Cajiibka Aheyd Barce Kusameysay Ee Neymar Atooraha Ka Ahaay Kaasoo PSG Lagu Xasuuqay 6-1 Kahor Inta Aysan 4-0 Kusoo Badinin Balse Caawa Wey Aarsatay  2-3 Waxa Ay Kubadashay 1-4 Taasoo Wadarta Kadhigtay 6-4 In PSG Ugu Soo Gudubtay Wareega 4 Dhamaadka .

Hambalyo Jamaahiirta PSG Waa U Qalmeen Caawa Bandhig Aan Indhaha Laga Qabsan Karin Ayey Soo Bandhigeen.

Dhinaca Kale  Dortmund Ayaa Sidoo Kale Iska Xaadirisay Wareega 4 Dhamaadka Koobkaan Ayagoo Kafarxashay Dhigooda Atlético Madrid Kadib Markii Ay Ku Xaaqeen 4-2 Ciyaar  Cariiri Aheyd Oo Lugtii Hore Looga Soo Adkaaday 2-1 Balse Rogaal Celintooda U Saamaxday In Ay Usoo Gudbaan Wareega Xiga Ayagoo Kusoo Baxay 5-4 Wadarta Guud Ee Goolasha Waxa Ay Fooda Isdarayaan PSG Oo Barcelona Kasoo Dhamaatay .

Caawa Spain Waa Leys Daba Dhigay Waxa Kaliya U Haray Waa Un Real Madrid Oo Habeen Dambo Laciyaareysa Man City Halka Bayern Munich Iyo Arsenal-na Fooda Is Dari Doonaa Kulamada Ugu Danbeeyo Wareegaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles