Kroos Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Iyo Romèo Lavia Oo Rajo Beel Taagan

Mashiinka Qadka Dhexe Ee Real Madrid Iyo Xulka Germany Toni Kroos Ayaa Sii Joogi Doono Santiago Bernabeu.

Qandaraas Cusub Oo Hal Sano Ah Oo Dheeri Ah Ayey Isku Afgarteen Islamarkaana Go’aan Ku Gaareen Asiga Iyo Kooxda Wuxuuna Dhici Doonaa June 2025 .

Wadahadal Toos Ah Ayaa Dhaxmaray Madrid Iyo Kroos Kaasoo Guul Kusoo Dhamaaday Waxa Kaliya Dhiman In Qalinka Lagu Duugo Wixi Lagu Heshiiyey Sida Uu Qorayo Fabrizio Romano.

Rug Cadaaygaan Wuxuu Qaadanayaa Xilli Ciyaareed Qurux Badan Kaasoo Lamoodo Inuu Dib Usoo Yaraaday Sida Uu Bandhig U Sameynayo Kulankasto Ayadoo Xattaa Xulka Uu Kusoo Laabtay Islamarkaana Bandhigiisa Sii Qurxinaya 2 Kulan Iyo Laba Caawin.

Lavia Iyo Niyad Jabkiisa Xilli Ciyaareedka .

Xiddiga Qadka Dhexe Ee Chelsea Iyo Xulka Belgium-ka Romèo Lavia Ayaa Seegaya Dhammaan Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkaan Kadib Markii Uu Ku Guuldareystay Dib Usoo Kabsashadiisa Ku Aadan Dhaawac Uu Muddo Kumaqnaay.

Nasiib Xumo Ayey U Tahay Xiddigaan Siduu Chelsea U Yimid Augusto Sanadkii Tagay  Kaliya 32 Daqiiqo Ayuu U Ciyaaray  Waxaana Ay Kala Soo Wareegeen Southampton Ayagoo Ka Dulqaaday Liverpool Oo Muddo Ceyrsaneysay .

  • Chelsea Dhaawacyada Ayaa Ku Badan Waxaana Ay Taas U Sababeen Kooxda Caafimaadka Oo Lagu Tilmaamay In Shaqadooda Aysan Sifiican U Gudaneynin Waxaana Sida Wararka Sheegayaan La Buriyey Dhammaan Waaxda Caafimaadka Ee Chelsea Ayadoo Lagu Wado In Qolo Cusub Lakeeno Macquulna Aytahay In Ay Wax Kabadalaan Xaaladahaan Dhawaacyo Ee Soo Noqnoqday Kuwaasoo Caqabad Ku Ah Geedi Socodka Dib U Dhiska Chelsea-da Cusub Ee Uu Hogaamiyo Macalin Pochettino.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles