Laporta Muxuu Kadhahay Haaland Iyo Warar Kale .

Barcola Oo Dhaawac Soo Gaaray .

Bradley Barcola Oo Katirsan Kooxda PSG Ayaa Waxaa Soo Gaaray Dhaawac Muruqa Ah Kaasoo Laga Yaabo Inuu Garoomada Kamaqnaado Dhowr Isbuuc Sida Ay Qortay Jariirada L’Équipe.

Kooxda PSG Waxa Ay Wardhowreysaa Baaritaano Caafimaad Oo Dheeri Ah Oo Xiddigaan Lagu Sameynayo Si Ay U Fahmaan Mudada Saxda Ah Uu Maqnaanayo .

Laporta Muxuu Haaland Kadhahay .

Madaxa Kooxda Barcelona Juan Laporta Oo Kahadlay Wararka Lala Xiriirinayo Kooxdiisa Xiisaha Ay U Qabto Erling Haaland Oo U Ciyaara Man City Ayaa Gaashaanka U Daruuray Arrinkaas Wuxuuna Tilmaamay In Xiddig Weyn Oo Miisaan Leh Aysan Kooxdiisa Waqtigaan Xamili Karin .

“Uma Baahnin Saxiix Weyn Waxaa Jiri Doono Dhaq Dhaqaaqyo Lkn Ma Filayo Kuwo Waaweyn In Ay Noqonayaan”

” Muhiimadeenu Waa Inaan Aaminnaa Kooxda Aan Hadda Heysanno, Ma Doonayo Inaan Lasoo Wareegno Ciyaartoy Qalloocin Kara Wada Noolaanshaheenna ” Sidaasi Waxaa Dhahay Laporta.

Hadalka Laporta Waxaa Laga Fahmaa In Barcelona Ay Kujirto Xaalad Aad U Liidato Oo Dhaqaalo Xuma Ah Islamarkaana Kooxda Aysan Xamili Karin Ciyaaryahaanno Muhiim Ah Oo Kooxda Dhaqaajin Kara Sidaas Aawgeedna Ay Iska Yar Yareysanayaan Inti Ay Awoodaan .

Mustaqbalka Wirtz.

Florin Wirtz Xiddiga Reer Jarmal Iyo Kooxda Leverkusen Oo Kahadlay Mustaqbalkiisa Ayaa Waxaa Uu Cadeeyey Inuusan Hadda Heynin Qorsha Ah Inuu Katagayo Kooxda Bayern Leverkusen.

“Magaranayo Waxa Uu Macalin Alonso Sameynayo Balse Aniga Warkeyga Waa Cadyahay Qorshayaal Badan Ayaa Halkaan Kahaayaa Shaqada Ii Taalo Ayaana Diirada Saarayaa” .

Xiddigaan Ayaa Sanadkaan Muujinaaayo Qaabciyaareed Indhaqabad Leh Iyadoo Kooxdiisa Ay Horyaalka Bundesliga Ay Ku Hogaaminyeso 10 Dhibcood Islamarkaana Ay Ku Hanweynyihiin In Markii Ugu Horreysay Ay Kooxda U Qaadaan Horyaalka Bundesliga Waxaana Baadi Goobaya Kooxo Badan Oo Yurub Kadhisan Haba Ugu Badnaadaan Kooxaha EPL Kasocdaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles