Lascelles Imisa Ayuu Maqnaan Doonaa, Kane Halkee Ayuu Joogay Marki Bayern Aysan Ku Guuleysan Horyaalka Iyo Warar Kale

Captain-ka Kooxda Newcastle United Jamaal Lascelles Ayaa Waxaa Gaaray Dhaawac Xun Oo Jilibka Ah Kaasoo Ah ACL Waana Mid Haliis Ah .

Kadib Markii Ay Arkeen Waaxda  Caafimaadka  Ee Kooxda Waxa Ay Sheegeen Inuu Qaliin Mari Doono Isbuuca Danbo Islamarkaana Uu Maqnaan Doono 6 Ilaa Iyo 9 Bilood Sida Lagu Xaqiijiyey Warbixin Ay Kooxda Soo Saartay .

Muxuu Arteta Kadhahay Arrinta Ben White Iyo Xulkiisa England.

Difaaca Arsenal Ben White Ayaa Ka Biyo Diidsan Inuu Kamid Noqdo Ciyaartoyda U Mataleyso Xulkiisa Koobka Euro 2024 Ayadoo Southgate Uu Albaabada U Furay Balse White Kuma Qanacsana Southgate Cuqdad Hore Oo World Cup-ka Ahna Waa U Qabaa Oo Aan Jaanis Lasiinin .

Arteta Wuxuu Dhahay Asigoo Kahadlaya Arrintaan Ah Inuu Kusoo Laabto Xulka Wuxuu Dhahay ” wuxuu Helay Jaceyl Farabadan, Waa Arkeysaa Waxa Ay Ciyaartoyda La Shaqada Ah Iyo Qofkasta Oo Udhaw Oo Kubadda Ciyaara Ay Ku Dhahayaan”.

” Hubaal Wuu Xaadiri Doonaa Xulkiisa Maalin Un Sida Ugu Macquulsan Taasina Asiga Ayey Quseysaa” Intaas Ku Gaabsaday Arteta.

Xusuus Yar  Oo Ku Saabsan HarryKane.

Marki Ugu Danbeysay Ee Aysan Bayern Munich Ku Guuleysan Horyaalka Bundesliga Xiddigooda Harry Kane Wuxuu Joogay Kooxda  Yar Ee Millwall Waligiisna Kuma Guuleysan Koob Hadane Bayern Ayuu Joogaa Oo Tobannnaan Sanno Xiriir Ah Horyaalka Qaadeysay Hogaanka Hadda 13 Dhibcood Looga Haayaa .

Maxaa Isdhihi Kartaa Dabuurnimada Ma Isagaa Mise Wax Kalaa Jira .

Farqi Sameynta Uu Klop Sheegay Shalay Iyo Caawintii Mac Allister Oo Isku Soo Beegmay .

Alexis Mac Allister Hadda Wuxuu Caawiyey 7 Gool Marki Lagu Daro Goolka Uu Maanta Ka Caawiyey Salah Oo Liverpool 2-1 Kubadisay Wuxuuna Sidoo Kale Dhaliyey 5 Gool.

Kulanka Kahor Klop Ayaa Ku Tilmaamay Inuu Yahay  Farqi Sameeye Wuxuuna Sheegay In Aytahah Sababta Ay Usoo Gateen Sidaas.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles