Lionel Messi Goormuu Ciyaaraha Ka Fariisanayaa .

GOAT-ka Kubadda Cagta Lionel Messi Ayaa Sheegay In Ka Fadhiisashadiisa Xulkiisa Argentina Iyo Da’diisa Aysan Waxba Iska Galin Wuxuuna  Tilmaamay Inuu Ku Faraxsanyahay Inuu Lasii Ciyaaro Ciyaartoyda Dhiiga U Hureen Koobki Adduunka Ee 2022 Illaa Inta Uu Awoodo .

Ku Guuleystaha Koobka Adduunka 2022 Ayaa Isaga Hayaamay Qaarada Yurub Oo Inta Badan Noloshiisa Kubadda Cagta Ah Uu Kusoo Qaatay Sida Barcelona Oo Gurigiisa Ah Iyo PSG Oo Muddo Yar Uu Kusoo Qaatay, Hadda Wuxuu Ganacsigiisa Usoo Wareejiyey Dhankaa Iyo America Kooxda Kadhisan Ee Inter Miami Oo Uu Hadda Kawacdareynayo .

Legend-kaan Kusii Siiqaya Da’da 37-aad Waxa Uu Tilmaamay Howlgabnimada Iyo Da’da In Aysan Shaqo Isku Laheynin Wuxuuna Yiri Asigoo Arrintaan Kahadlaya Sida Tan:

“Waan Ogahay Waqtigaas, Waan Ogahay Waqtiga Aanan Bandhig Fiican Sameynin, Kuma Raaxeysto Nafsad Ahaanteyda, Mana Caawin Karo Asxaabteyda, Aad Ayaana Isku Eedeeyaa,  Waan Garanayaa Marki Aan Fiicanahay Iyo Marki Aan Xumahay, Marki Aan Si Wanaagsan U Ciyaaro Iyo Marki Aan Sixun U Ciyaaro”.

Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Waxa Uu Yiri ” Marki Aan Dareemo In La Gaaray Waqtigeyi Waan Joojinayaa Anigoo Aanan Kafikirin Da’deyda, Hadii Aad Fiicnaan Dareemayo Marwalba Waa Isku Dayaa Inaan Ciyaarista Sii Wado Maxaa Yeelay Waa Waxa Aan Jeclahay Waana Aqaanaa Sida Loo Sameeyo”.

” Heerka Sports-ka Nasiib Ayaa Kulahaay Inaan Gaaray Waxwalbo Mudadii Aan Kujiray Ciyaarista, Inaan Gaaray Riyooyinkeyga Taas Waa Xaqiiqda Dhabta Ah, Ma Is Weydiin Karo Heer Caalami Ahaan Iyo Ibni’aadannimo Ahaan Sida Wanaagsan Ee Qoys Iyo Asxaabba Ii Garab Istaageen, Waxaan Isku Dayaa Inaan Ku Raaxeysto Waxwalbo Oo Allaah Isiiyey Ilaa Iyo Hadda Taasoo Ah Wxbadan” Intaas Ayuu Kusoo Gaba Gabeeyey .

Maxaa Kaaga Baxay Hadalka Messi Ee Ku Aadan Kafadhiisashada Ciyaaraha Iyo Da’da In Aysan Waxba Iska Quseynin Maxaa Ku Raacsantahay Maxaase Ku Diidantahay Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles