‘Lix jeer ayaan qarax ka badbaaday, waxaa iigu xanuun badnaa kan oo wiilkeyga yar ila socday’

Waxay u ahayd mid ka mida habeenadii ugu naxdinta badnaa in ka badan shan jeer oo hore ugu badbaaday weeraro qaraxyo ku bilowday dabadeedna ay xigeen in rag hubaysan oo gudaha u galay goob uu ku sugnaa.

Habeenkii jimcuhu soo galayey, Faysal Caraale Afrax waxay u ahayd habeen uu welwel iyo dadaal badan uu ku bixiyey sidii isaga iyo wiilkiisa oo toban sano jira ay ugu badbaadi lahayeen weerarkii ka dhacay hotel SYL oo ku yaal agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ay qaraxyo iyo weeraro ku qaadeen rag hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

‘‘Jugtu markay dhacday, wiilkayga waa booday isagoo cararay. Waa soo qabtay waxaana ku iri aabe fariiso, ka dibna waxaan isku dayey sidii an nafaheena u maarayno. Naftaada waad maareeyn kartaa laakin mid kale oo waliba ilmahaaga ah waa ka sii welwel badan tahay waana ka sii naxdib badan tahay’’ ayuu BBC da u sheegay Faysal Caraale.

Feysal oo ah Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir aya sheegay sheegay in markii qaraxu dhacay uu ku sugnaa qaybta barxada ee hotelka SYL isagoo markaas ka soo baxay salaada taraawiixda.WEERARKII SYL

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

‘‘Aniga wiilkayga waxaan ka wada boodnay darbiga, waxaa aad ii caawiyey laba ka mid ahaa ilaaladayda, dhaawac fudud ayaa i gaaray laakiin wixii ay dadkii an waxba galabsan ay gaarsiiyeen Khawaariijtu waxy ahayd wax naxdin leh” ayuu intaas ku daray xoghaye Faysal.

Faysal, wuxuu BBC-da u sheegay in xilligaas uu qofkasta doonayey in naftiisa badbaadsado oo aysan jirin cid eegaysay wax kale, basle qofkasta uu xooga saarayey inuu isagu noqdo kan ugu horeeye ee ka samatabaxa.

Weeraradii hore ee Faysal ka badbaaday

Faysal Caraale Afrax Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka badan shan jeer uu ka badbaaday weeraro halis leh oo dad badani ku dhinteen oo ay Al-shabaab la eegteen goobo oo ku sugnaa.

Qaraxii ugu horeeyey ayuu la kulmay sanadkii 2013-kii isagoo ku sugan magaalada Buulabarde ee gobolka Hiiraan kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

Sanadihii 2017 kii,2018 kii, 2022 kii, 2023 kii iyo kii ugu danbeeyey ee sanadkan oo ka kala dhacay Baladweyne iyo Muqdisho ayuu Faysal ka badbaaday wallow kuwa ka mida weeraradaas ay dad badani oo masuuliyiin isaga la mid ahaa ay ku geeriyoodeen.

Wuxuuse si gaara u xusay qaraxii sanadkii 2023-dii ku qabsaday xaruntiisa shaqo ee gobolka Banaadir kaas oo dablay hubaysan ay gudaha u galeen xarunta

“Xiligaas waxaa ku sugnaa xafiiskayga waana iska difaacnay nimankii na soo weeraray gaar ahaana ilaa afartan daqiiqo ayaan iska difaacaynay aniga ilaaladaydu” ayuu yiri Faysal Caraale.

Isagoo ka jawabayey waxaa ku soo dhaca maskaxdiisa markasta oo qarax iyo weerar ka badbaado ayuu sheegay “Markasta in illaahay I jecel yahay”.

WEERARKII SYL

XIGASHADA SAWIRKA,REUETRES

Xilliyada la weeraray Hoteel SYL

Laba iyo labaatankii Jannaayo ee sannadkii 2015, waxaa hoteel SYL ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagusoo raray walaxa qarxa, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Burbur xooggan ayaa xilligaas soo gaaray hoteelka oo la sheegay in markaas ay ku sugnaayeen masuuliyiin aan waxba ku noqon oo ka tirsanaa dawlad goboleedka Puntland.

Qaraxa dhacay 2015, ayaa kusoo aday xilli amniga Muqdisho aad loo adkeeyay maaddaama maalinkii xigtay ee 23-ka bisha la filayey in uu yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas raysal wasaare ahaa.

Bishii Agosto ee sannadkii xigay hoteelkan ayaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo dhaliyey khasare ballaaran.

Sida ay BBC-da u sheegeen xilligaas ilo kala duwan oo caafimaad; dad ka badan labaatan qof ayaa ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Qof goobjooge ah oo markaas ay la hadlay BBC-du ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Burbur culus ayaa markaas soo gaaray hoteelka.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Hoteelkan oo markaas la qorshaynayey in lagu qabto shir looga hadlayo amniga ayey ku dhaawacmeen wariyeyaal dhowr ah oo ku sugnaa xilliga weerarku dhacayey.

Waxaa weerarkaas dhacay 2016-kii sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

Sanadkii 2022, kooxda ayaa gashay hoteelka Villa Rays oo isla caasimadda ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay ilaa 14 qof.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles