Lubnaan oo wadnaha farta lagu hayo iyo Israa’iil oo isku diyaarinaysa ‘Jawaab milatari oo adag’

Dayuurad dagaa;l

Golaha wasiirada amniga Israa’iil ayaa u fasaxay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa gaashaandhigga inay go’aan ka gaaraan “waqtiga iyo qaabka looga jawaabayo” si ay jawaab ugu bixinayaan gantaalkii ku dhacay garoon kubada cagta oo ku yaalla buuraha Golan halkaas oo labo iyo tobban qof oo carruur ay ku jiraan ay ku dhinteen.

Jaamacadda Xaifa, oo wax ka yar 50km u jirta xudduudda Israa’iil ay la leedahay Lubnaan, ma haystaan wax fursad ah.

Maamulka jaamacadda ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya dabaqa shanaad ee ka sarreeya dhismahan oo ka kooban soddon dabaq ay ku shaqeeyaan guriga. Cabsida ayaa sii kordhaysa

“Dagaalkii ugu dambeeyay ee Xisbullah lala galo 2006dii, hubkoodu wuxuu gaaray Xaifa”, ayay ii sheegtay Esther Parpara, oo xubin ka ah shaqaalaha jaamacadda. “Tani waa daqiiqad khatar ah. Waalidiintu waxay caawinayaan booliiska iyo ilaalada si ay u ilaaliyaan xarumaha xanaanada.

Xiisadda xadduuda ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa si joogto ah u kordhaysay tan iyo 8-dii Oktoobar, markaasoo Xisbullah ay gantaallo iyo duqeymo ku garaacday goobaha Israa’iil iyagoo is garabsanaya weerarkii Xamaas ee Israa’iil ku qaadday maalin ka hor. Labada kooxoodba waxay ku baaqayaan in la burburiyo dawladda Israa’iil.

Israa'iil iyo Xisbulaha

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Weeraro isdaba jooga ah ayey Xisbullah ku qaaday waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan, kuwaas oo ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya dagaalkii 1967-kii, lana wareegtay 1981-kii.

Israa’iil ayaa mowjado duqeymo cirka iyo gantaallo ah ku qaadday koonfurta Lubnaan, kuwaas oo u muuqday jawaab celin gantaalkii dhacay Sabtidii.

Duqaymahan oo ay dhinacyadu iswaydaarsanayaan tan iyo bishiii oktoobar ayaa lagu dilay in ka badan 450 qof gudaha Lubnaan kuwaas oo ku dhawaad boqol ka mid ah ay rayid ahaayeen, halka Israa’iil ay sheegtay in 23 rayid ah iyo toddobo iyo tobban askari lagu dilay.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid aad loo xakameeyay, taasoo soo jeedinaysa in labada dhinacba ay isku dayayeen inay ka fogaadaan iska horimaad fool ka fool ah.

Laakiin hadda su’aashu waxay tahay intee in le’eg ayay Israa’iil ka jawaabi doontaa masiibadii Sabtidii, oo ah khasaarihii ugu weynaa tan markii ay bilowdeen weerarrada xuduudaha tan iyo Oktoobar.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaloyinka Israa’iil si ay ugu baroor diiqdaan dhalinyarada dhibanayaasha ah, iyagoo sita ubaxyo iyo sawiro.

Xisbulah ayaa sheegtay inaysan ridin gantaalkaas halista ahaa, balse dowladda Israa’iil ayaa ku adkeysaneysa in taasi ay tahay been.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa goor hore ka soo laabtay Mareykanka si uu u guddoomiyo shirka golaha amniga, iyadoo gudaha Israa’iil lagu baaqayo in si adag looga jawaabo. Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in Xisbullah “ay bixin doonto qiimo culus oo aysan ilaa hadda bixin”.

Haweeneey

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Waqti halis leh

Laakiin Israa’iil way ogtahay in qiimaha dagaalka noocan oo kale ah ee ay la galaan kooxda Lubnaan uu noqon karo mid ba’an oo labada dhinacba waxyeelo gaarsiiya.

Ururka Xisbullah ayaa ah kooxda ugu xoogga badan gobolka, waxaana lagu qiyaasaa inay haystaan ilaa 150,000 oo gantaallo ah. Waa wakiilka ugu muhiimsan Iiran ee Bariga Dhexe.

Ciidamada Israa’iilna waxay weli ku fidsan yihiin Qasaa. Furitaanka dagaal kale oo millatari maadaama hubkoodu uu hooseeyo waxay noqon kartaa mid aan la hirgelin karin.

Dhinaca kale, ilaa 60,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka barakacay gobollada Israa’eeil ee soohdinta la wadaaga Lubnaan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna qaar badan oo ka mid ah dalbanayaan in dowladooda ay meesha ka saarto khatarta Xisbullah.

Natenyahu oo taageeradiisa gudaha hoos u sii dhacaysa ayaa sameynaya wax walba oo badbaadadiisa siyaasadeed ah.

Dadka dhaleeceeya ayaa ku andacoonaya inuu sii dheereynayo dagaalka Qasa adkayna dalabyo adag oo ay Xamaas ku doonayaan heshiis xabad joojin ah.

Waxaa laga yaabaa inuu hadda isku dayo inuu ballaariyo dagaalka Lubnaan qayb ahaan ujeeddooyin siyaasadeed oo gudaha ah.

Tani waa daqiiqad halis ah. Iyadoo baaqyada caalamiga ah ee xakameynta labada dhinac ay sii kordhayaan.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles