Ma ogtahay in Cudurka Sokorowga si fudud loo daweyn karaa, tilmaamo ku caawinaya

Cudurka sokorta ama sokorowga waxaa uu ka mid yahay cudurrada ay Soomaalida inta badan ka cawdaan.

Cudurkan oo aan lahayn daawo toos qofka ugu baxinaysa ayaa haddana waxaa jira qaab uu qofka u noolaan karo.

Waxaa sidoo kale jira qaab uu qofka uga hortagi karo cudurka sokorta islsmarkana uga gaashaaman karo.

Ka fikir jirkaaga sidii inuu yahay baaquli weyn oo sonkor ay ku jirto. marka uu qofka dhalanayo jirkiisa waa mid ka maran oo ka nadiif ah sokorta .

Tobannaan sano ka dib, qofka waxaa uu cunaa sonkorta iyo karbohaydraytyada badan, waxaa si tartatiib ah u buuxsamaya jirka qofka.

Markaad mar labaad wax cunto sokorta, sonkortu waxay ku daadataa jirka qeybihiisa kala duwan sababtoo waxa jirka ak buuxsamay sokortii aad sanadaha badan cuni jirtay.

Jirka bina’aadamka ayaa sidaasi u shaqeeya oo waxaa buuxsama sokorta. Marka aad cunto sonkor, jirkaagu waxa uu soo daayaa hormoonka insuliinka si uu kaaga caawiyo in sonkorta u dhaqaajiso unugyada jirkaaga, halkaas oo loo isticmaalo tamar.

Haddii aadan gubin in kugu filan oo sonkor ah, dhowr iyo toban sano ka dib unugyadu waxay noqonayaan kuwo buuxa oo ma xamili karaan sonkorta.

Mar walba oo aad cuno sokorta, insuliinku ma keeni karto unugyadaada buuxdhaafay, sidaas darteed sonkortu waxay ku daadataa dhiiga.

Sonkortu waxay ku socotaa dhiiggaaga qaab loo yaqaanno gulukoos oo haddii gulukooskagu badan tahay waxay calaamad u tahay inaad qabto nooca 2aad ee sonkorowga.

Marka ay sonkor badan ku jirto dhiigga, insuliintu ma qabato shaqadeeda caadiga ah ee ah inay sonkorta u soo guurto dhanka unugyada. Markaa waxaynu niraahnaa jirku wuxuu noqday mid u adkaysta insulinta, laakiin khaladka ma laha insulinta. Dhibka ugu weyni waa in unugyadu ay ka buuxaan sonkor.

Si loola tacaalo gulukoosta dhiigga ku jirta, jirku wuxuu soo saaraa insulin badan si uu uga gudbo xaaladda. waxay taasi sababaysaa in gulukoos badan ay u dhaqaaqdo unugyada si ay u ilaaliso heerka dhiigga inuu noqdo mid caadi ah.

Laakiin taasi waa xal ku meel gaar ah sababtoo ah dhibaatada sonkorta badan lama xalin; waxay si fudud u dhaqaajisaa sonkorta xad-dhaafka ah ee dhiigga una gudubta unugyada. Mararka qaarkood, xitaa jirku kuma qasbi karo sonkor badan unugyada.

Maxaa dhacaya haddii sokorta xad dhaafka ah aysan gudbin?

Sokorta la warshadeeyay ayaa kordhisa heerka glucose ee dhiiggeena gala

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Marka hore, jirku wuxuu sii kordhinayaa qadarka insulinta uu soo saaro si uu isugu dayo inuu ku qasbo gulukoos badan unugyada. Laakiin tani waxay keenaysaa oo kaliya in jirku iska caabbiyo insulin badan.

Marka heerarka insulin-ta aysan la socon karin caabbinta kordhaysa, heerarka sonkorta dhiigga ayaa kor u kaca. Taasi waa marka badan tahay inuu dhakhtarkaagu ogaado inaad qabto nooca 2 ee cudurka sonkorowga.

Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu qoro daawooyin sida cirbadaha insuliinka, ama laga yaabee daawo loo yaqaan metformin, si loo yareeyo sonkorta dhiiga, laakiin daawooyinkani kama saarayaan gulukoosta jidhka ee dheeraadka ah. Taa beddelkeeda, waxay si fudud uga saartaa gulukoosta dhiigga waxayna dib ugu soo celisaa jirka.

Sokorta ayaa mararka qaar waxaa ay saameyn ba’an ku yeelataa jirka qofka sida kelyaha, neerfayaasha, indhaha, iyo wadnaha, halkaasoo ay ugu dambeyntii keeni karto dhibaatooyin kale. Dhibaatooyiinkan dabcan, waa kuwa aan la xallin karin.

Daawooyinka qofka qaba xanuunka Macaanka waa kuwa kala duwan. Marka hore, waxaad u baahan tahay hal daawo oo keliya, laakiin aakhirka waxay noqotaa laba ka dibna saddex, oo islamarkana waxaa sii bata xaddiga dawada aad u baahan tahay.

Haddii aad qaadato daawo badan si ay gulukoostaadu u ahaato mid caafimaad qabta, macaankaagu wuu ka sii darayaa.

Khudrad iyo waxyaabaha dabiiciga ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Isticmaal sonkor yar

Markaad fahamto in nooca 2-aad ee sonkorowga uu yahay sonkor badan oo jirka ku jirta, xalku wuu caddaanayaa. Iska ilaali sonkorta. Waxaad isu ilaalin kartaa laba siyaabood oo kaliya oo kala ah , Isticmaal sonkor yar iyo in aad jimicsi sameysid in aad u gubto tamar badan.

Taasi waa waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso. uma baahnid Daawooyin , qalliin iyo kharash badan.

Ha cunin cuntooyinka sonkorta lagu daray. Ka fogow cuntooyinka la keydiyay yo karbohaydraytyada aadka loo sifeeyay sida daqiiqda maadaama ay si dhakhso ah ugu shiiddo gulukooska.

Habka ugu fiican waa in la yareeyo ama la joojiyo cunista rootiga iyo baastada laga sameeyay daqiiqda cad, iyo sidoo kale bariiska cad iyo baradhada.

Waa inaad cuntaa borotiinka si dhexdhexaad ah, oo aan aad u badnayn. Marka la dheefshiido, borotiinka cuntada, sida hilibka, ayaa loo kala qaybiyaa amino acids. Barootiinku waxa uu u baahan yahay caafimaad wanaagsan, laakiin asiidhyada amino-yada ee xad-dhaafka ah laguma kaydin karo jirka oo sidaas awgeed waxa loo beddelaa gulukoos.

Sidaa darteed, cunista badan ee borotiinka waxay kordhisaa sonkorta jirka. Markaa waa inaad ka fogaataa cuntooyinka borotiinka ee sida aadka ah loo warshadeeyey, sida budada borotiinka.

Dufanka dabiiciga ah, sida kuwa laga helo avokado, lawska iyo saliidda saytuunka – wax yar ayay ku yeeshaan sonkorta dhiiga ama insuliinka waxaana la og yahay inay u roon yihiin cudurada wadnaha iyo macaanka. Ukunta iyo subagga sidoo kale waa ilo wanaagsan oo dufan dabiici ah.

Cunista saliidda saytuunka ma kordhiso nooca 2-aad ee xanuunka macaanka ama wadne xanuunka. Dhab ahaantii, faa’iido ayay u leeyihiin.

Si aad sonkorta ugu hayso jirkaaga, isticmaal cunto dabiici ah oo aan la farsamayn. Cun cuntooyinka ay ku yar yihiin karbohaydrayt la safeeyey, borotiinku ku yar yahay, iyo dufan dabiici ah oo sarreeya.

Gub Sokorta badan ee jirka

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Jimicsiga – wuxuu faa’iido u yeelan karaa nooca 2-aad ee sonkorowga, laakiin jimicsiga ayaa waxtar yar u leh dhimista cudurrada marka loo eego cuntada.

Soonku waa hab sahlan oo la hubo oo aad jirkaaga ku qasbi karto in uu gubo sonkorta. Haddaadan wax cunin, waad sooman tahay ayay ka dhigan tahay. Markaad wax cunto, jirkaagu wuxuu kaydiyaa tamarta cuntada; markaad soontid, jirkaagu wuxuu u gubaa cuntada tamar awgeed.

Gulukooska waa isha tamarta cuntada. Sidaa darteed, haddii aad caadeysato Soonka, waxaad gubi kartaa sonkorta kaydsan.

Soonku waa dawadii ugu da’da weyneyd ee la yaqaan ee lagula tacaalo Sokorowga waxaana lagu dhaqmi jiray taariikhda muddo aad u dheer. Laakiin haddii aad dawo qaadanayso, waa in aad talobixin dhakhtar raadsato ka hor inta aanad bilaabin soonka.

Haddii aadan wax cunin, sonkorta dhiiggaagu ma hoos u dhacaysaa? Haa Haddaadan cunin, miisaankaagu ma is dhimi doonaa? Haa .

Si loo gubo sonkorta, habka ugu fiican waa in la soomo 24 saacadood, laba ilaa saddex jeer toddobaadkii. Habka kale ee caanka ah waa in la soomo 16 saacadood, shan ilaa lix jeer toddobaadkii.

Awoodda lagu dawayn karo nooca 2-aad ee sonkorowga waa mid ku jirta gacantaada. Waxa loo baahan yahay waa in la yeesho rabitaan iyo geesinimo si loola dagaallamo caadooyinka.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles