Ma Run Baa in Ciidamo Itoobiyaan ah ee gudaha galeen deegaano katirsan Khaatumo (Warbixin)

Warar hor dhac ah oo laga helayo deegaanada hoos yimaado maamul goboleedka Khaatumo ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowlad Itoobiya ee gudaha ugaleen deegaanadaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney arkeen ciidamo kuhubeesan hubka nuucyadiisa kala duwan isla markaana usocda si raxan raxan ah.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamadaani ee kuyimideen dalab uga yimid dowlada Somaliland oo hore uga dalbatay dalka Itoobiya iney ka caawiyaaan arimaha dhanka amaanka. iyadoo sidoo kale ee jirtay kulan ee isku arkeen saraakiil sar sare oo katirsan maamulka Somaliland iyo Dowlada Itoobiya kaasi oo kadhacay magaalada Hargeysa todobaadki hore.

Maamulka Khaatumo ayaa kal hore kadigay in qilaafka siyaasadeed ee gobolka ee soo farageliyaan dowladaha deriska ah isagoo tilmaamay iney xaalada faraha kabixi karto.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ciidamo itoobiyaan ah ee usoo galaan gudaha dalka Soomaaliya iyagoo iminkaba kusugan qeybo badan oo gobolada dalka ah, hasa yeeshe magacyo kala duwan kujoogto.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles