Ma run baa inuu dhintay ninki Qur’aanka ku gubay Sweden (Xog Dhameestiran)

Qeyb kamid ah warbaahinta caalamka gaar ahaan wadamada Afrika, Aasiya iyo baraha bulshada ayaa ayaa siweyn wax looga qoray dhimashada Salwan Momika oo ah muwaadin udhashay Ciraaq balse ku caan baxay gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Warkaan ayaa sidoo kale sheegayay in dhimashada ninkaan ee kadhacday dalka Norway oo baryihi udambeeyay lasheegay in Salwan uu kunoolaa isagoo halkaa magangalyo kaweydiistay kagadaal marka Sweden ee udiiday iney siiso deganaanshaha dalkaasi.

Ninkaan Ciraaqi ah ayaa dhowr mar oo Kitaabka ku gubay Sweden waxa kadhashay caro xoogan oo ee muujiyeen dad isugu jira Muslimiin iyo qaar kale oo aan Muslim aheyn balse diidan in lasameeyo wax kasta oo dhibaato iyo naceeb abuuraayo.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka dalka Norway iyo warbaahinta reer galbeedka  oo xaqiijinaayo dhimashada Salwaan.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles