Maamulka Liverpool oo helay xog aan farxad gelin doonin taasi oo la xiriirto kabtanka kooxda.

Xaalad xasaasi ah ayaa wili kajirta gudaha kooxda Liverpool tan iyo marki ee dhamaatay rajadi ee ka qabeen hanashada Horyaalka Ingiriiska iyadoo si isdaba joog ah ee usoo baxayaan wararka la xiriiro ciyaartoy waa weyn oo isaga tagaya kooxda.

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk kuma faraxsana kooxda, waxaana laga yaabaa inuu doonayo inuu baxo.

Taasi waa aragtida halyeyga kooxda Graeme Souness, kaasoo u soo ciyaaray tababare-na u Soo noqday Reds.

“Haddii aad wax iga waydiin lahayd arrintan bil ka hor, waxaan dhihi lahaa qof kasta oo kala wareegaya Jurgen Klopp wuxuu dhaxlay xaaladdii ugu wacnayd, laakiin mar dambe ma dhihi karo taas,” Souness ayaa yidhi.

“Sida ay u ciyaareen bishan Calamad su’ ayaa ayaa haatan saaran Liverpool”.

“Xaqiiqda ah in Virgil van Dijk uu qandaraaskiisu dhamaanayo waa ay iga walaacinaysaa, waxa uu bishan June noqon Doonaa 33 Sano jir, Hadii wakiilkiisu la xidhiidha Real Madrid way qaadanayaan, Marka Aad eegto hadaladiisa Wakhtigii ugu dambeeyay isla markaas uuna Horay u samayn jirin waxa ay u muuqataa in uuna ku faraxsanayn kooxda”.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles