Macalin Gasperini Iyo Xertiisa Oo Ku Guuleysteen Europe League Unbeaten-kana Kajibiyeen Kooxdii Lama Taabtaanka Aheyd Ee Leverkusen (Warbixin Cajiib Ah Oo Dhinacyo Badan Taabaneyso)

Kooxda Uu Hogaamiyo Macalinka Rug Cadaayga Ah Ee Reer Talyaani Gian Piero Gasperini Ee Atlanta Ayaa Caawa Saddax Cad Ka Kala Dhigtay Kooxdii Xilli Ciyaareedkaan Lama Taabtaanka Aheyd Ee Bayern Leverkusen Taasoo Ay Ku Xaaqeen 3-0 Kulan Kadhacay Aviva Stadium Ee Dublin Ireland.

Macalin Xabi Alonso Iyo Xertiisa Waxaa Caawa Heshay Koox Fajiistayaal Ah Oo U Diiday In Ay Kubadda Ku Raaxeystaan Ayagoo Qoobka Qoobka Usaaray Kubbad Cadaadis Badanne Kala Hortagay  In Ay Jaanis Abuuranne U Diiday Kadib Ayaga Ayaa Jaanisyadooda Kafaa’diisteen Bilaawga Horena Waxaa Kubillaabay Ademola Lookman Laacibka Africa Ee Reer Nigeria Oo Ciyaarta Kadhigay 1-0 Qeybta Hore Inta Aysan Dhamaaninna Midkale Kudaray Aakhirka Ciyaartana Kusoo Qatimay Goolkiisi Saddaxaad Sidaas Uu Hatrick Goals.

Waa Markii Ugu Horreysay Taariikhda Ee Tartankaan Final-kiisa Laga Dhaliyo Hatrick Waxaana Caawa Sameeyey Lookman Asigee Qaas Utahay Jamaahiirta Bergamo Quluubtooda Caawa Sibuuxdo Ayuu U Dagay Goolasha Haddii Laga Gudbo Xattaa Kubbad Walbo Oo Lugtiisa Soo Gasha Waxa Ay Haliis Ku Aheyd Dhanka Iyo Leverkusen Wuxuu Qaatay Habeen Qurux Badan Oo Taariikhdiisa Baal Dahab Ah Kagashay.

Leverkusen In Ay Xilli Ciyaareed Buuxa Unbeaten Kudhameysato Waxaa Uga Dhinneed Hal Kulan Kaliya Hadii Caawa Aan Lagu Darin Balse Gasperini Iyo Xertiisa Ayaa Ku Ekeysiiyey 51 Kulan Oo Unbeaten Ah Taas Ayaaba Ayadana Ah Mid Ay Adagtahay In Koox Kale  Si Sahlan Kusameyso Balse Meesha Looga Jibiyey Unbeaten-ka Ayaa Ah Meel Aad U Xanuun Badan Waxaa Loo Qaatay DFL Pokal Cup Inuu Uga Jabo Hadii Leysku Barbardhigo Labada Koob.

Atlanta Waa Markeedi Ugu Horreeyey Ay Tartankaan Ku Guuleysaneyso Iyo Markeedi Labaad Oo Koob Weyn Ay Ku Guuleysaneyso Tan Iyo 1962/63 Markaasoo Aay Qaadeen Koob Italy Waligood Serie A Italy Ma Aysan Qaadin , Waxa Ay Hore Usoo Qaadeen Serie B 6 Jeer Iyo Halmar Serie C Ah .

Gasperini Taariikhda Atlanta Baal Dahab Ah Uu Ka Galay Waa Macalin Taatiko Cajiib Ah Leh Raacashadiisa Adagtahay Weerar Deg Deg Ahna Leh Wuuna Uqalmay Hubaal Inuu Koobkaan Ku Guuleysto Mudnaanta Dhan Asigaa Leh 🔥🔥🔥.

Waxaan Leenahay Hambalyo Atlanta Iyo Jamaahiirteedaba Ku Raaxeysta Waa Habeenkiina 🔥🔥🔥 🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles