Madaale oo amar dul dhigay qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala gedisan ee Maamulada Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta Horumarada iyo Caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala gedisan ee maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, la-dagaalanka maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Ugu danbeyntii waxa uu Duqa Muqdisho faray madaxda maamulada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in si dhaw loogu war haayo bulshada ku nool Ddegmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada. Sida lagu yiri war ka soo baxay kulanka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday olole lagula dagaalamaya maandooriyaha, waxa todobaadkii hore la soo bandhigay daawooyin kala duwan oo loo isticmaalo maandooriye, waxaana goobtii lagu soo bandhigayey goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles