Madax reer Puntland oo kasoo horjeesatay siyaasada Deni & Xukuumada Puntland oo kalsoonidi kala laabatay Xildhibanada Federalka

Puntland oo markale qaaday talaabo kadhan ah dowlada federaalka Soomaaliya iyadoo Puntland sheegtay in kalsoonidi kala laabatay mudanayaasha labada aqal ee Puntland kumatala baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay Puntland u dirsatay Muqdisho, ay mucaarad ku noqdeen deegaanadii lagasoo doortay.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” Ayuu yiri wasiir Caydiid Diri.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yimid, xilli qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ah ee kasoo jeeda Puntland, ay sheegeen inay iyagu arrimaha Puntland kala xaajoonayaan dowladda federaalka, maaddaama uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah uu kula dirirsan yahay dowladda federaalka, taasoo ay sheegeen inay kala dhalatay in dadka reer Puntland ay waayaan mashaariicdii ay xaq u lahaayeen.

Dowlada cusub ee Puntland uu hogaaminayo Madaxweyne Deni ayaa waxa iminka wajaheesaa mowjado siyaasadeedki ugu cuslaa ebid iyadoo maamulka Puntland lumisay adeegyo badan oo uga xirnaa dhanka dowlada Federaalka iyadoo taana daaha ka rogtay in siyaasyiinta kasoo jeeda Puntland ee eedeeda dusha kaga tuuraan Madaxweyne Deni.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles