Madaxda Israa’iil oo lagu wado in looga yeero Maxkamad

Madaxweynaha Israa’iil ayaa Arbacadii ku booriyay xulafada Israel inay diidaan dadaallada loo adeegsanayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ka dhanka ah dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, isagoo ka digayā€¯ halista ku wajahan dimoqraadiyadda meel kasta oo dunida ah.

Kulan uu magaalada Tel Aviv kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxweyne Isaac Herzog waxa uu ku nuuxnuuxsaday awoodda nidaamka sharci ee Israaā€™iil iyo ixtiraamka sharciga, waxaanu diiday baaritaan ay Maxkamadda ICC ku hayso hab-dhaqanka Israaā€™iil ee dhulka Falastiiniyiinta.

“In la isku dayo in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada loo adeegsado Israa’iil oo la dagaalameysa argagaxisada, waxay halis cad oo taagan ku tahay Dimuqraadiyada iyo dalalka xorta ah ee nabadda jecel ee raacaya qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xulafadayada iyo asxaabtayada inay diidaan oo ay diidaan dadaal kasta oo noocaas ah.”

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in masā€™uuliyiinta Israaā€™iil ay ka cabsi qabaan in maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ay dhawaan soo saarto amarro lagu soo xirayo madaxda Israel qaarkood.

Raā€™iisal Wasaaraha Israaā€™iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu arrintan kala hadlay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden isaga oo wacay dhamaadkii toddobaadkan.

Netanyahu wuxuu ku adkaystay goor dambe oo Talaadadii ah fariin uu soo dhigey barta Telegram “ma jiro go’aanka Hague ama mid kale, oo sinaba u dhaawici doona go’aankeena ah inaan gaarno dhammaan yoolalka dagaalka”.

Ujeedada tallaabadan, ayuu yiri haddii la fuliyo, waa in loo hanjabo madaxda iyo askarta dawladda Israaā€™iil, taas oo asal ahaan lagu curyaaminayo awoodda dawladda Israaā€™iil ee is-difaaca, ayuu yiri.

“Israa’iil waxay filaysaa in hogaamiyayaasha caalamka xorta ah ay si adag uga soo horjeestaan tallaabadan fadeexadda leh.”

Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in uu ka soo horjeedo baaritaanka ICC-da.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles