Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo maanta kulan ku qabtay Caasimada Shabeelada Dhexe ee Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta qabanqaabiyay kulanka Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle, kulankaasi oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

bilaawgii waxaa Wasiirrada Wasaarradaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Batroolka ee Hirshabeelle loo dhaariyay xilalka kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha HirShabelle.

Shirka Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle oo diirada lagu saaray u diyaar-garoowga shirka sannad-laha ee Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose oo laga dhageystay warbixin ku aadan degmooyinka xiga ee laga hirgelinayo doorrashada Golaha Deegaanka.

Madaxtoyadda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagtay hannaanka loo wajahayo shir-sannadeedka Golaha Wasiirrada kaas oo looga wada hadli doono muddadii sannadka sida ay shaqadda aheyd.

“Si aan u guulleysano waa inaan wadajir xil isaga saarnaa shaqadda, dhammaan Golaha Wasiirrada waa inay ogaadaan halka laga qiimeyn doono inay tahay shirka sannad-laha ee soo socda.”

Gunaanadkii Madaxweynaha HirShabelle ayaa faray Wasiirrada inay dadajiyaan shaqadda.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles