Madaxweynaha Mareykanka Biden oo si adag uga hadlay weerarki Trump.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khubad uu xalay fiidkii xilliga saacaddi bari ee Mareykanka jeediyay, ugu baaqay shacabka Mareykanka midnimo, maalin kaddib marki uu iskuday dil ka badbaaday madaxweynihi hore Donald Trump.

Trump ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray dhagta midig Sabtidi, xilli uu hadal u jeedinayay taageerayaashiisa oo isugu yimid fagaaro ku yaallo degmada Butler ee gobolka Penslvania.

Biden wuxuu sheegay in midnimada ay tahay waxa ugu muhiimsan ee ay shacabka Mareykanka xilligan u baahan yihiin, isla markaana aysan shacabka Mareykana lumen waxa ay yihiin Mareykan ahaan iyo waxa ay u taagan yihiin.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles