Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo walaac xoojin ka muujiyay ciidamada kusugan Soomaaliya ee

Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kor u qaaday qaylo-dhaan ku saabsan in dib loo eego qorshaha bixista ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, si looga hortago faaruq amni.

Labada hoggaamiye, oo dalalkoodu ay ciidamadooda kamid yihiin howlgalka ATMIS, ayaa sheegay, ka dib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Nairobi, Khamiistii, inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan-darrada gobolka geeska Afrika, waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

“Intii aan la kulmay Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinnay hoos u dhaca ku yimid ciidamada Atmis ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ku boorrinay in waqtiyada dhimista ay la jaanqaadaan xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu Madaxweyne Ruto ku yiri war-murtiyeedka wadajir ah oo ay soo saareen isaga iyo dhiggiisa Uganda.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka hoggaamiyayaasha labada dal ayaa kusoo aadaya iyadoo la filayo in 4,000 oo askari oo Atmis ah ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 askari oo ka baxay howlgalka sannadkii hore.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles