Madaxweyne Biixi oo lagu eedeeyay inuu doonayo inuu kasaaro Xubin katirsan Wadani gudiga doorashada.

Doorashada Somaliland oo muddo labo sano uu ka taagnaa khilaaf dib u dhacyo howl keenay ayaa weli wajaheysa caqabad kale oo sagaal bil jirsatay.

Caqabadan oo salka ku heysa xubinta Xisbiga Waddani ku metela Guddida Doorashooyinka Somaliland, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo soo taxneyd ilaa bishii Juulaay ee sanadkii hore.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ayaa dhowr jeer iskudayay in Guddida Doorashooyinka laga eryo Cabdicasiis, oo horey shaqo ka joojin loogu sameeyay.

Laakiin Golaha Wakiilada ayaa dib ugu soo celiyay xubinta Waddani Komishinka Doorashooyinka kadib markii cod loo qaaday, go’aankaas oo uusan aqbalin Madaxweyne Biixi oo markale dib uga dalbaday Golaha inay kalsoonida kala noqdaan Cabdicasiis oo lagu eedeeyay in uu ka hor yimid go’aan kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Waa Kuma Cabdicasiis Xirsi Warsame, xubinta Xisbiga Waddani ee Guddida Doorashada?

Khilaafka Cabdicasiis Xirsi Warsame oo kow iyo afartan jir kala dhexeeya xubnaha kale ee Guddida Doorashooyinka iyo doonista ku-celcelinta leh ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku dalbanayo in laga eryo Guddida ayaa loo arkaa caqabadii ugu dambeysay ee ku hor-gudban xal-gaarida Doorashooyinka Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay horumarro laga sameeyay.

Maxamed Xuseen Caydiid oo Komishanka Doorashooyinka kala shaqeeyay ayaa ku tilmaamay Cabdicasiis Xirsi oo Jaamacadda Hargeysa ka bartay Xidhiidhka Caalamiga ah iyo dublamaasiyadda nin go’aamo adag oo ka dhaqaaqin halka uu istaago.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tiro labo jeer ka dalbaday Golaha Wakiilada Somaliland ee xubintan Xisbiga Waddani laga eryo Guddida Doorashada, isaga oo dib ugu soo celiyay markale Wakiilada markii ku guuldareystay doonistiisii hore.

“Cabdicasiis waanu soo wada shaqaynay, waa nin warkiisu cad yahay, oo aan aqoon warwareega, waa dadka aan waxba dedin ee wixii uu doonayo iyo wixii uu diidayo ka badheedha,” ayuu yidhi Caydiid.

Cabdicasiis oo ku dhashay deegaanka Daroor ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kahor inta uusan ku biirin Xisbiga Waddani ka soo shaqeeyay hay’addaha waddaniga ah, kuwa caalamiga ah oo ay ka mid tahay hay’adda Qaramada Midoobay ee deegaanka. Waxa uu ahaa afhayeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland kahor inta aanan shaqo joojinta lagu sameyn sanadkii hore, xilkaas oo loo doortay bartamihii sanadkii 2022kii.

Waxa uu u doonayo madaxweyne Biixi in xubinta Xisbiga Waddani laga eryo Guddida doorashada

Khilaafkan u dhexeeya Cabdicasiis Warsame iyo xubnaha kale ee Guddida doorashooyinka, ayaa bannaanka u soo baxay bishii Juulaay ee sanadkii hore kadib markii Komishanka Doorashooyinka Somaliland ku kala qaybsameen go’aan ay ka soo saareen kala horeynta doorashada Ururrada iyo Madaxtooyada oo wakhtigaas khilaaf adag ka taagnaa mida soo horeynaysa.

Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa doonayay in lasoo horumariyo doorashada Ururrada Siyaasada, taas oo loo arkayay fursad ay ku doonayeen inay kusoo saaraan xisbiyo cusub, oo bedel u noqon kara labada xisbi mucaarad ee hadda jirta ee Waddani iyo Ucid, taas oo ka dhigi kartay Kulmiye kan ugu cadcad doorashada Madaxtooyadda.

Laakiin Xisbiyada Mucaaradka oo iyana arrinkaas ka dareenqabay ayaa ku adkeystay in lasoo horumariyo doorashada Madaxtooyadda, si ay u noqdaan labada xisbi ee keliya ee Kulmiye kula tartama doorashada madaxweynenimo ee Somaliland.

Labada Xubin ee Mucaaradka ayaa diiday go’aankii Guddida Doorashooyinka oo ay u codeeyeen xubnihii kale ee ay soo magacaabeen Madaxtooyada, Golaha Guurtida, iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya, diidmadaas oo markii dambe xubintii Xisbiga UCID uu raaligelin ka bixiyay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tixraacaya warbixinta ku talisay in Cadicasiis iyo xubnaha kale aysan wada shaqeyn karin oo ay soo saareen Guddi madaxbanaan oo uu u saaray inay soo baaraan xudunta khilaafka xubnaha Komishanka ayaa ka dalbaday Golaha Wakiilada Somaliland inay xil-ka-qaadin ku sameeyaan Cabdicasiis.

Laakiin xubnaha Xisbiyada Mucaaradka oo aqlabiyad ku leh Golaha Wakiilada ayaa diiday codsiga madaxweynaha, taas oo ay garyaqaan Xamdi Khaliif ay sheegtay inay ugu wacan tahay madaxweynaha oo Wakiillada horkeenin eedayn rasmi ah oo Cabdicasiis Xirsi xilka lagaga qaado.

“Hawshan muddo laba toddobaad ah ayaanu ku jirnay oo aanu waraysanaynay Cabdicasiis iyo xubnaha Komishanka doorashooyinka oo wax ay isku hayaan. aakhirkii waxa noo soo baxday in aanay wada shaqeyn karin, natiijadii hawsha la noo dirayna madaxweynaha ayaanu ku celinay,” ayuu BBC u sheegay mid ka mid ah Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray baarista khilaafkan, oo ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Xiisada noocaan ah ma ahan mid ku cusub Somaliland, iyadoo oo sanadkii 2008kii markii aqlabiyada Komishanku eedayn ka gudbiyaan xubin xisbiga UCID ku matalayay Guddiga Doorashooyinka, sida uu BBC u sheegay Barkhad Daahir oo La-taliye u ahaa Guddida Doorashooyinka ee xilligaas.

“Markii hore Golaha Wakiiladu waxa uu aqlabiyad ku diiday codsiga madaxweyne Rayaale ee xil-ka-qaadista xubinta UCID. Laakiin mar labaad ayuu ku celiyay eedeynta culus. Sidaas baanu Madaxweynuhu markii labaad golaha Wakiillada ugu gudbiyay eedayn cusub oo xubintaa ku saabsanayd Ka dibna Golahaas ayaa xilkii ka qaaday,” ayuu Barkhad Daahir.

Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda in uu ka tusaale qaadanayo jidkii uu maray madaxweyne Rayaale ayaa mar labaad u gudbiyay Golaha Wakiilada codsiga xil-ka-qaadista Cabdicasiis, codkaas oo aan weli cod loo qaadin markale.

Khilaafkii ka dhashay kala-horumarinta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururrada Somaliland ayaa horseeday curashada jabhad hubeysan oo saldhig ka dhigatay Buura Gacan Libaax, oo dhacda Bartamaha dhabaha isku xira Hargeysa iyo Berbera.

Heshiis markii dambe ay garwadeen ka yihiin odeyaasha dhaqanka iyo beelaha qaar ayaa go’aamiyay in mar la wada qabto doorashada Madaxtooyadda iyo Ururrada bisha Nofeembar ee sanadkan, iyadoo lagu qanciyay in jabhaddii na ay hubka dhigto.

Maxamuud Cabdilaahi, oo ka mid ahaan jiray xubnihii hore ee guddida anshaxa doorashooyinka, ayaa rumaysan in aanu khilaafku go’aankan oo keliya ahayn ee khilaafyada Guddida Doorashooyinku ay sabab u tahay qaab dhismeedka Guddidaas oo saddex ka mid ahi ka yimaadaan Madaxweynaha iyo Xisbigiisa, halka Golaha Guurtida ay ka yimaadaan laba xubnood, dhinaca labada Xisbi Mucaarad mid xubin.

Dooddu weli ka taagan Komishanka, ayaa walaac laga muujinayaa, iyada oo walaacaas salka ku hayo jiitan ku yimaada qorshaha doorashada 2024-ka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laba qodob ugu adkaysanaya in la beddelo Cabdicasiis Xirsi Warsame, kuwaas oo kala ah in aanay xubintan wada shaqayn karin Xubnaha kale ee Komushanka isaga oo raacaya soo jeedintii guddidii uu u saaray ay u gudbisay iyo in haddii xubintaas shaqada ku noqoto in ay sababi karto in Xubno kale ee hore dacwada uga soo gudbiyey ay is casilaan. Taas oo keeni karta dib u dhac cusub.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa isagu dhinaciisa ku dedaalaya sidii uu xubintooda Komishanka ee dooddu ka taagan tahay ugu qancin lahaayeen inuu tanaasul oo uu iskii isu casilo, iyaga oo kulamo la yeeshay.

Dedaallada uu ku doonayo Xisbiga waddani inuu xubintiisa isku casisho, ayaa falanqeeyayaasha siyaasaddu ay leeyihiin waa mid suurto geli kara maalmaha soo socda, oo lagaga baaqsan karo khilaaf cusub.

BBC

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles