Madaxweyne Cali Guudlaawe oo marki ugu horeysay daboolka ka qaaday arin aan looga baran.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe ayaa ka warbixiyay dadaalada uu maamulkiisa ka wado gobolka isagoo tilmaamay iney socoto howlo baaxad leh.

Cali Guudlaawe ayaa todobaadki hore soo gunaanaday kulan is xog wareysi ahaa oo lagu kulmiyay dhamaan maamulayaasha degmooyinka hoos yimaada maamulka Hirshabeele iyadoo kulankaasi ahaa midki ugu horeeyay oo sidaa weyn ugasoo qeybgalaan maamulayaasha dhamaan degmooyinka hoos yimaado gobolka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mar uu tlmaamay howlaha socda yiri: “Waxa la soconaa iney jiraan xildhibaano heer federal ah oo laga soo doorto maamulka hirshabeele hasa yeeshe farqaha heesta oo aan diyaar u aheyn haba yaraatee iney taageeraan horumarka kasocda gobolka”. Ayuu yiri mudane Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa xildhibaanada federaaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeele ugu baaqay iney is garab taagaan dadaalada horumarineed ee iminka ka socda gobolka.

Maamulka uu horkacayo Cali Guudlaawe ayaa lagu dhaliilaa inu yahay maamul fadhiid ah isla markaana ka gaabiyay mas’uuliyadi kasaarneed gobolka iyadoo sidoo kale labada gobo lee ka kooban yahay Hirshabeele Hiiraan iyo Shabeelada dhexe lagu tilmaamo iney yihiin laba gobo loo hodan ka ah kheyraadka dabiiciga ah.

Dhanka kale Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Hirshabeele ayaa ka dhigan mid cara bur bur ah iyadoo mudane Guudlaawe lagu tilmaamo madaxweynah ugu afka gaaban dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, iyadoo dadka daraaseeyay arimaha siyaasada ee tani kutilmaameen iney tani horseedi karto iney dhax marto wada shaqeyn dhamaan siyaasyiinta gobolka.

Xarunta Shabakada Warsheekh ee Jowhar.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles