Madaxweyne Deni oo soo magacaabay qaar kamid ah golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray liis ka kooban 21 Wasiir ee yeelan doonto xukuumadiisa cusub.

Madaxweyne Deni waxa uu dib usoo celiyay wasiirradiisii arrimaha gudaha, caddaaladda, warfaafinta iyo amniga.

Saddex kamid ah golaha wasiirrada ayaa ah haween. waxaana loo kala magacaabay wasaaradaha haweenka, Gargaarka iyo dhallinyarada.

Dhinaca kale, warar aanu helayno waxay sheegayaan in qaar kamid ah wasiiradda la magacaabay aanay ku qanacsanayn xilalka loo magacabay, lamase oga inay iska casilidoonaan.

Halkaan ka akhriso magacyada wasiirrada.

1.Wasiirka Caafimadka Siciid Qoorsheel.

2.Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdiqaadir.

3.Wasiirka dhalinyaradda Hodan Siciid.

4.Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Adeer.

5.Wasiirka Caddaaladda Maxamed Cabdiwahaab.

6.Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Siciid Juxa.

7.wasiirka Deegaanka Maxamed Faroole.

8.Wasiirka Ganacsiga Axmed Shire.

9.wasaaradda Maaliyadda Maxamed Faarax.

10.wasiika kalluumaysiga Cabdirisaaq Xagaa.

11.Wasiirka Dekedaha Shaakir Guuleed.

12.Wasiirka Duulista Hawada, Cabdulahi Bile.

13.Wasiirka Warfaafinta Maxamud Caydiid.

14.Wasiirka Macdanta Liiban Muuse Boqor.

15.Wasiirka Shaqada iyo shaqalaha Cabdiraxmaan Sheikh Ahmed.

16.Wasiirka Amniga -Ibraahim Xaaji Bakiin.

17. Wasiirka Qorshaynta. Daa’uud Bisinle.

18.Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad

19.wasiirka Haweenka Maryan Axmed Cali.

20.Wasiirka gargaarka iyo Masiibooyinka.. Ubax Cabdirashiid.

21. Wasiirka howlaha guud: Faarax Cawad.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles