Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday damaciisa dhabta ah kadib,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaciyay inuu rabo in Soomaalida uga tego “dhaxal dowlad awood leh oo ay ku najaxaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayada oo laga gaaray guul wax ku ool ah, islamarkaana la wiiqay awooddii kooxda, sida uu sheegay.

“Runtii waxa aan la galay dagaal adag (kooxda Al-Shabaab) waanan ka guulaysanay, hadda awoodoodii waxay isugu soo ururtay gaadmo daciif ah, mana geli karaan dagaal toos ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in geeddiga lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed oo awood leh uu yahay mid socda ka madaxweyne ahaanna uu rabo inuu raad dowladnimo oo awood leh uga tago shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa aan rabaa in aad dalkayga iyo dadkayga uga tago dhaxal dowlad awood leh oo ay ku najaxaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu xaqiijiyay in dowladda ay maanta haysato ciidan ku filan dalka oo leh tababar iyo qalab casri ah, ayna cadeyntiisuna tahay sida ciidanku guullo deg deg ah uga keenay furimaha dagaalka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles