Madrid Oo Dacwad Ka Gudbisay Juan Martinez Munuera

Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid Ayaa Dacwad Ka Gudbisay Dhigeeda Garsooraha Leylinayey Kulankii Ay U Martiyeen Kooxda Osasuna Kaasoo Ay Kusuldaareen 2-4 Kulan Cunsuriyad Xun Loogu Geystay Vinicius Jnr Kaasoo Dhibane U Ah Waayadaan Falal Cunsurinimo Ah Oo Soo Noq Noqday.

Vinicius Jnr Waa 23 Jir U Dhashay Dalka Brazil Kaasoo Hadda Ah Mid Kamid Ah Xiddiga Argagaxa Ah Ee Ka Ciyaara Garabka Weerarka Ee Dhinaca Bidix Waa Xirfadle Ma Daale Ah Natiijooyin Wax Ku Ool Ahna Gaarsiiyey Kooxdiisa Los Blancos, Waana Mid Kamid Ah Ciyaartoyda Ugu Fiican Waqti Xaadirkaan Balse Cunsuriyad Ay Kahari La’dahay Taasoo Ah Mid Aad U Liidata Oo Kajirtaa Wadamadaan Yurub Gaar Ahaan Spain Oo Ay Aad Ugu Dheereeyaan

Dhacdooyinka Nuucaan Ah Ayaa Dhaawici Kara Qalbada Shaqsiga Lagu Sameeyey Waxa Ayna Horistaagi Kartaa Hiigsiga Uu Tiigsanayo Ayadoo Aay Taasi Jirto Ayaa Waxaa Kasii Daray Garsooraha Ciyaarta Haayey Oo Kadib Dhamaadka Ciyaarta Shirkiisa Jaraa’id Kusoo Hadal Qaadin Dhacdadaan Xanuunka Badan.

Maamulka Madrid Ayaana Dacwad Ka Gudbiyey Garsooraha Ciyaartaas Oo Lagu Magacaabo Juan Martinez Munuera Kadib Iska Indhatirkiisa Ku’aadan Cunsuriyadii Junior Lagu Sameeyey Ayagoo Ku Andacooday In Garsooraha Si Ula Kac Ah Uu Uga Tagay Dhacdadaas Intii Uu Kawarbixinaayey Waxyaabaha Kadhacay Kulankaas .

Bayaan Ay Soo Saareen Los Blancos Ayey U Gudbiyeen Guddiga Anshaxa Xiriirka Kubadda Cagta Ee Spain Waxa Ayna Ku Adkeeyeen In Arrintaan Tahay Mid Haliis Ah Oo Dhaawici Karta Kubadda Cagta Spain Oo Waayadaanba Cunsuriyada Biyo Caadi Ah Kanoqotay .

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles