Madrid Oo Markeedi 15-aad Ku Guuleysatay Koobka Dhagaweynaha Fariin Cadna Udirtay Cidkastoo Marxaladaan Cml Kula Hardanto

Kooxda Los Blancos Ee Real Madrid Ayaa Caawa Hanatay Koobkeedi 15-aad Ee Champions League Kadib Markii Ay 0-2 Kusuldaareen Dhigooda Kooxda Reer Germany Ee Borussia Dortmund Ciyaar Xamaasad Laheyd Oo Kadhacday Wembley Stadium Ee Dalka UK .

Qeybta Hore Ee Ciyaarta Waxaa Gacan Sarreysay Kooxda Borussia Dortmund Oo Maamuleysay Kulanka Waliba Jaanisyo Haliis Ah Abuurtay Balse Kama Aysan Faa’iideysan Kulligood Wallow Uu Ugu Darnaa Fursadii Hal Kahalka Aheyd Ee Uu Qasaariyey Karim Adeyemi Waxaana Qeybta Hore Lagu Kala Nastay Ayadoo Ayadoo Real Madrid Hal Darbo Aysan Goosha Dortmund Ku Aadinin .

Marki Lagaaray Qeybta Labaad Wax Saas Ah Isma Badalin Wali Maamulka Ciyaarta Dortmund Ayaa Heysatay Balse Real Waa Koox Qibrad Badan Koobkaanne Sifiican Utaqaano Isdabaaliskana Kudheereysa Waxa Ay Waqtiga Kudheereysay Dhigeeda Dortmund Oo Markii Ay Daaleen Kadib Energy-gii U Dhaqaaleysnaa Aay Lasoo Baxeen Wiilasha Anceloti Waxaana Gool Dahabi Ah Madaxa Ugu Dhaliyey Daqiiqadii 77-aad Ee Ciyaarta Difaacooda Garabka Midig Ee Rug Cadaayga Ah Ee Daniel Carvajal Kaas Oo Caawin Cajiib Ah Kahelay Cabqariga Weyn Ee Tony Kroos.

Dortmund Iyo Jamaahiirteedaba Waa Aay Isku Dhaxyaaceen Waxaana Kaluntay Kalsoonidii Aay Kulanka Ku Maamulaayeen Sidaas Darteedna Difaacooda Dambeedka Bidix Ee Maatsen Ayaa Kubad Si Qalad Ah Usiistay Jude Bellingham Kaasoo Asigane Kaga Sii Caawiyey Laacibka Garabka Duula Ee Madrid Vinicius Junior Oo Ciyaarta Hurdo Udiray Daqiiqadii 83-aad Ee Ciyaarta Waxaana Sidaas Ay Madrid Kuxaqiijisay Koobkeedii 15-aad Ee Champions League.

Waxyaabaha Xiisaha Leh Ee Kulankaan Kadhacay Ayaa Ah In Daniel Carvajal Uu Dhaliyey Goolkiisi Ugu Horreeyey Champions league Muddo 5 Sano Ah Kadib Sidoo Kale Vinicius Junior Ayaa Asigane Dhalinaya 2 Gool Labadii Final Ee Ugu Danbeeyey Ee Uu Ciyaaro Champions league Caadi Ahaanna Waa Laacibka Ugu Saameynta Badan Real Uguna Waxtarka Badan Balse Marki La Eego Dhanka Saxaafada Waxaa Ka Horreeyo Jude Bellingham Oo Asigane Sanadkaan Wacdareynaya Balse Hubaal Waxaa Waxwalba Mudan Vinicius Junior Waa Argagaxa Madrid 🔥🔥🔥

Macalin Anceloti Waa Macallinkii Ugu Fiicnaa Taariikhda Kubadda Cagta Fikradeyda Maxaa Yeelay Waa Macalin Guuleed Taatiko Leh Sida Ay Doontaba Ha Ahaatee Garanayana Sida Loo Guuleysto Wuxuuna Kawataa 5 Champions league Asigoo Macalin Ah 2 Milan Ah Iyo 3 Madrid Ah Macalin Kastaa Sidaas Ma Sameyn Karo Waxaana Ay Qaas Utahay Macalin Anceloti 🔥🙌

Dhanka Kale Tony Kroos Ayaa Asigane Caawa Sagootintiisa Kulankii Horyaalka Si Fiican Loogu Sii Qurxiyey Madrid Waa U Hagar Baxday Asigane Wuu U Hagarbaxay Sidaas Ayaana Taajka Boqornimada Loogu Xeray Mashiinkaan Qadka Dhexe Legend Of The Game 🔥🔥🔥🙌

Kooxdaan Madrid Ah Waa Koox Aanan Waxba Laga Qaban Karin Awoodeeda Bannaanka Ayey Taalaa 9-ki Final Udanbeeyey Aytimaado Champions league Marna Lagama Badinin Taasna Kooxkasta Ma Sameyn Karto Waa Madrid Kaliya Waana U Qalmaan Koobkaan Iyo Ayaga Waxaa Kadhaxeeyo Aragti Kaliya Hambalyo Jamaahiirta Cad Cadka Waa U Qalanteen Koobkaan Ku Raaxeysta Waa Habeenkiiniyee 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles