Magacaabisti Sanbaloolshe kadib Dalka Dagaal ayuu aaday!

Golaha Wasiirada ayaa saaka u Magacaabay Xildhibaan Abdullahi Mohamed Ali ( Sanbaloolshe ) Agaasimaga Hay’ada Nabad Sugidda ( NISA).

Waa markii saddaxaad ee loo magacaabaabo Xilkan, Mar walibana ka qaadistiisa waxay lahayd sabab iyo khilaaf weyn. July 2014 ayeey ahayd markii 1aad ee Xilkan loo idmaday, Waxaa lagu xusuustaa inuu weerar ku qaaday hogaamiye kooxeedyo Muqdisho ku dhex lahaa Awood ciidan. kadib waxay fooda is-dareen Raisul Wasaare Abdiwali Sheekh oo ugu dambeyn si aan la jecleysan Xilka uga qaaday sababna u ahayd bilowga Khilaafka Madaxweyne Xasan iyo PM Abdiwali. Waxay sababtay in wax kabadal lagu sameeyo qaab dhismeedka Hay’ada, tusaale Agaasime ayaa laga guuray waxaa laga dhigay Taliye si Madaxweynaha ugu koobnaato Magacaabista iyo ka qaadista.

Xilligii Madaxweyne Farmaajo ayaa markii 2aad lamagacaabay June 2017, khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Taliye Fahad Yasin ayaa sababtay in Madaxweyne Farmaajo xilka ka qaado sidaana uu ku waayo Xildhibaanimadii iyo Taliyihii. Afar sano oo mucaarad ah kadib wuxuu markale soo noqday Xildhibaan 2022. Maanta ayaa markii 3aad loo xulay iyadoo mardhaw la ansixiyey Sharciga NISA oo dib loogu soo celiyey Golaha Wasiirada iyo Magacii hore ee Agaasime .

Sanbaloolshe wuxuu kamid yahay Dadka ugu xil qabashada Badan tan iyo 2009; Wasiirka Amniga, Safiir UK iyo Turki, Agaasimaha NISA oo saddax jeer ah iyo Xildhibaanimo oo laba jeer ah. Dabcan wuxuu weyn doonaa Xildhibaanimada sida uu qorayo sharciga Hay’ada.

Safarka Sucuudiga kadib Dalka Dagaal ayuu aaday!

w/q. Asad Mohamed Wehelie

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles