Man City Oo Markii 4-aad Xiriir Ah Ku Guuleysatay EPL (Warbixin Xiiso Leh)

Kooxda Kubadda Manchester City Oo Markeedi 4-aad Xiriir Ah Qaaday Horyaalka EPL-ka Markii Ugu Horreysay Taariikhda Ay Sameyso Koox Kaciyaarta Horyaalkaan .

Waxaa Marak Madoonto Ah In Kooxdaan City Ah Aytahay Kooxda Loogu Cabsida Badanyahay Waqti Xaadirkaan Dunida Oo Idil Gaar Ahaan EPL Oo Ay Sida Ay Doonto Kayeelato Muddo 8 Sano Ah Uu Pep Guardiola Joogay Ayagoo Qaaday 6 Sano Kamid Ah Taasna Waa Awood Aan Indhaha Laga Qabsan Karin .

Kulanka Maanta 20 Daqiio Ayeyba Ku Kala Dirtay Dhigeeda West Ham Laba Gool Ayeyna  Kuhogaamineysay Oo Uu Udhaliyey Foden Oo Sanadkaan Ah Xiddiga Garbaha Kuwaday Man City Laacibka Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkaan ne Ku Guuleystay Isbuucaan Gudihiis, Iyadoo Ay Sidaas Tahay Waxaa Gool Kasoo Celiyey City Mohammed Kudus Oo West Ham U Ciyaara Balse Gaba Gabadii Waxaa Ciyaarta Hurdo U Diray Rodrigo Oo Ah Mashiinka Qadka Dhexe Ee Lagama Maarmaanka Ah Ka Ah Kooxdaas City Ah Ee Maarada Loo La’yahay Sidaasna 3-1 Kaga Dhigay Ayadoo Man City Sidaas Kubadisay Horyaalkana Kula Hooyatay Waliba Hal Dhibic.

Dhanka Kale Arsenal Oo Aheyd Kooxda Bursaneysay Man City Ayaa Ayadane 2-1 Dirqi Ah Kaga Badisay Dhigeeda Everton Ciyaar Ay Ku Marti Qaadeen Emirates Stadium Balse Guusha Arsenal Waxba Kama Saacidin Oo Waxa Ay Ubaahnaayeen In City Loo Kufiyo Si Ay Koobka U Qaadaan Balse Ayagaaba Kufi Gaaray Hadii Lafiiriyo Sida Ay U Dhacday Natiijada Labada Ciyaar Oo Kala Aheyd 3-1 Iyo 2-1 Oo Waliba Arsenal Waqti Danbo Goolka Guusha Dhalisay .

Man City-daan Waxa Ay Kooxaha Ayada Kasoo Haray U Ogoshahay In Ay Ku Tartamaan Kaalinta Labaad Waxaana Ay Siiisaa Fursad Weyn Oo Ah In Bilaawga Horyaalkaba Ay Hurdo Iska Camirtaan Si Kooxaha Kale Usii Shaqeystaan Kaalintooda Labaad Gaba Gabadii Ayey Soo Kacdaa Horyaalkeedi Ayeyna La Hoyataa Waa Xaqiiqda Ay Kasameyneyso Horyaalkaan EPL Kooxda Uu Hogaamiyo Macalin Pep Guardiola Waxaas Oo Dhanna Waa Saameynta Macalinkaas Weyn Ee Cabqariga Ah 🙌🙌🙌

Hambalyo Jamaahiirta Citizen Waa U Qalanteen Inaad Markii Afaraad Xiriir Ah Koobkaan Qaadaan 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles