Man United Vs Man City oo kulmayo iyo warar kale oo Isboorti

Luis Suarez Xiddigii Hore Ee Liverpool Iyo Barcelona Ee Hadda U Ciyaara Kooxda Inter Miami Ayaa Ammaan Kala Duldhacay Xiddiga Ay Isku Waddanka Yihiin Ee Nunez Kaasoo Shalay Waqtiga Dhimashada Kooxdiisa Siiyey Guul Dheymanka Ka Qaalisan .
Suarez Mudadii Uu Kusugnaa Gigada Anfield 82 Gool Ayuu Dhaliyey Wuxuuna Shalay Yiri Kulan Ay 5-0 Inte Miami Kaga Badisay Orlando City Kadib Sida Tan ” Waan Arkay Goolkaas Aad Ayaana Ugu Faraxsanahay Liverpool Iyo Darwin Labadaba, Waa Mid Kamid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Adduunka Waqti Xaadirkaan”.
—————————————————————————————————-
Dhanka Kale Los Blancos Ayaa Aad Uga Carootay Ficil Xalay Uu Garsoore Jesus Gil Manzano Kasameeyey Kulankii U Dhaxeeyey Valencia Iyo Madrid Kaasoo Kusoo Idlaaday Barbaro 2-2 Ah.
Gil Manzano Ayaa Seeriga Ku Dhuftay Ayadoo Madrid Shabaqa Ku Hubsaneyso Gool Ay Guul Ku Heli Laheyd Kaasoo Madax Uu Ku Dhaliyey Jude Bellingham Xiddiga Qadka Dhexe Ee Reer England Balse Goolkaas Ma Noqon Mid Laxisaabiyo Waxa Ayna Sababtay In Bellingham Kaarka Gaduudan Lasiiyo Kadib Buuqii Kadhashay Diidamada Goolkaas Iyo Dhameynta Seeriga Ciyaarta .
Macalin Anceloti Oo Kahadlaya Kaarka Gaduudan Ee La Siiyey Jude Bellingham Ayaa Tibaaxay In Wiilkiisa Uusan Wax Qaldan Sheegin Kaliya Uu Dhahay Waa Gool Sidee Ku Dhameyn Kartaa Wuxuuna Ku Daray Manaqaano Waxaan Sheegno.
—————————————————————————————————-
Isbarbardhig Ku’aadan Man United Iyo Man City Kadib Katagitaankii Sir Alex Fergusen Ee 2013 .
Koobabka waaweyn: City 17 Iyo 4 United.
Guulaha EPL: City 11 Iyo 7 United.

Kulamadii Lagu Badiyey 5 Gool Iyo Wax Lajira : City 34 Iyo 1 United.
Qiyaas Ahaan Net Spending Waa : City £795m Iyo £1.2b United.

Waa Farqi Indhaha Laga Qabsan Karin Oo Muuqda Kulankoodana Hadda Ayuu Soo Galaa Magaalada Manchester Xilligaan Reer Sh Mansuur Ayaa Kataliyaan Ee Mala Dhihi Karaa Waa Blue Mise Wali Ma Gaarin Heerkaas Bal Aragtidaada Hoos Kusoo Qor .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles