Maqaal Kooban Oo Ku Aadan Macsalaamada Klop Ee Liverpool Iyo Waayihii Quruxda Badnaay Ee Uu Ku Qaatay Qalcada Anfield

Macalin Jurgen Klop Ayaa Galabta Maamulay Kulankiisi Ugu Danbeeyey Ee Liverpool Asigoo Ku Sugan Gigada Anfield.

Klop Ayaa Liverpool Ku Qaatay Muddo 9 Sano Laga Soo Bilaabo 8 October 2015 Ilaa Iyo Galabta Oo 19-ka May Aheyd Markaasoo Uu Bilaabay Inuu Dhiso Liverpool-shaan Xoogan Oo Waagaas Aheyd Buunsha Caadi Ah Horyaalkana Kaalmaha Dhaxaadka Iska Joogtay Kadib Niyad Jabkii 2013/14 Ee City Horyaalka 2 Dhibic Uga Qaaday Taasoo Sababtay In Ciyaartoyda Muhiimka Ahaay Intooda Badan Kawada Tagaan Qaarna Duqoobeen Sida Legend-kooda Captain Steven Gerrard.

Asigoo Aanan Heysan Mashruuc Ballaaran Oo  Lagu Dhisi Karo  Koox Utartameyso Horyaal In Ay Qaado Ayuu  Guulo Waaweyn Lasoo Gaaray Wuxuuna Kartidiisa Ku Sameeyey Inuu 30 Sano Kadib Liverpool Horyaalka EPL Ugu Qaaday Ayadoo Sanad Kahorna Horyaalka Looga Qaaday 97 Dhibcood Uu Layimid Hal Kulan Kaliyana Laga Badiyey Halka City 98 Points Latimid Balse Wuxuu La Qaaday Champions league Oo Dadaalka Sanadkaas Hal Bacaad Lagu Lisay Muusan Noqonin Labadii Koob Ee Waaweynaa Mid Kamid Ah Uu Qaaday Midka Kalena Wuu Dadaalay Balse Waa Laga Sii Dadaal Badnaay.

Isku Soo Wada Duub Macalin Klop Wixii Uu Liverpool U Qabtay Qarnigaan Casriga Ah Majirto  Macalin Uqabtay  Waa Legendary Manager Waa Macalinkii Ugu Fiicnaay Liverpool Soo Mara Marki Dhankasta Laga Fiiriyo Zaman Qurux Badan Ayuu Kusoo Qaatay Liverpool  Wuxuuna Katagayaa Koox Dhisan Oo Diyaarsan Oo  Kaliya U Baahan 2 Ama 3 Saxiix Cml Taasna Waa Midda Aay Abaalka Weyn Uga Haayaan Jamaahiirta Reds Ee Liverpool.

Midda Kaliya Ee Lagu Dhaliilo Waa 9 Sano Uu Joogay Liverpool Hal Horyaal Kaliya Ayuu U Qaaday Taasna Waxaa Dhihi Karaa Nasiib Xumo Mana Ahin Mid Qof Wax Kabadali Karta Waxaa Usii Dheer 2 Jeer Champions League Laga Qaaday Waxa Ayna Cadeynee In Nasiib Xumada Tahay Waxjira Ogowna 2 Horyaal Ayaa Min 1 Dhibic Looga Qaaday Waxaas Oo Idil Waa Wax Kubadda Cagta Kadhaca.

Waa Kuwaan 8-da Koob Uu Liverpool Laqaaday Muddada Uu Joogay .

🏆 Premier League 2020
🏆 Champions League 2019
🏆 Club’s World Cup 2019
🏆 UEFA Super Cup 2019
🏆 FA Cup 2022
🏆 Community Shield 2022
🏆🏆 Carabao Cup 2022, 2024

Galabta Si Qurux Badan Ayaa Loo Sagootiyey Jamaahiirta Anfield Waxa Ay Klop Umuujiyeen Taageero Hagar La’aan Ayagoo U Arka Sida Qof Waalidkood Oo Kale Taasna Waa Waxa Uu Ku Kasbaday Quluubta Taageerayaasha Kusugan Qalcada Anfield Oo Galabta U Aheyd Maalin Qiiro Badan Qof Ku Qaaliya Ahna Ay Sagootiyeen Labada Dhincba Wanaag Ayey Isku Rajeeyeen Zamankii Quruxda Badnaay Ee Klop Era Halkaas Uu Kusoo Idlaaday Kataageero Kubadda Cagta Ahaan Waa Loo Xiisi Doonaa Klop Siduu U Ahaay Qof Qadarin Mudan Xamaasad Badan EPL Dadka Shiday Kamid Ahaay Iyo Dhammaan Kubadda Cagtaba Macsalaamo Mr  Klop 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Legend Of Anfield 👑

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles