Mareykanka oo kudhawaaqay arin aan farxad gelin doonin Israa’iil (warbixin dagaalada Qasa)

Waxa wili iska soo daba dhacaayo baaqyada heer caalami ee lagu dalbanaayo xabad joojin deg deg ah kadib marki ee si aad ah ukorortay baahida bani’aadamnimo ee kajirta Qasa taasi oo iminka qarka usaaran iney isu badasho xaalad aan waxba laga qaban karin.

Dadka reer Qasa ayaa waxa ee iminka marayaan marxalad ee isugu darantay colaad sababtay dhimasho iyo baahi taasi oo go’doomisay reer Qasa isla markaana kadhigtay Umad lagu fiirsaday xasuuqa kusocda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa mar uu saxaafada kula hadlaayay dalka Filibiin ayaa yiri in Dowlada Mareykanka qorsheyneeso in go’aano kasoo saarto colaad Qasa iyo dhibaatooyinka ee wajahayaan shacabka rere Qasa, wuxuuna tilmaamay in fulinta go’aanadaasi oo iminka kala tashanayo wadamada Sauucdiga iyo Masar.

Dowladaha reer Galbeedka ee uu hogaaminayo Mareykanka ayaa weji gabaxnimo kala kulmay bulshada caalamka kadib marki talaabo sidaa ubuuran oo dhiiran ee ka qaadi waayeen Dowlada Israa’iil oo aan si aan kala reeb laheen u xasuuqeeso dadka reer Falastiin.

Xeeldheerayaasha ka faaloota siyaasada Caalamka ayaa tilmaamay in dhaawac xoogan kuyimid aragtida Reer Galbeedka ee mar walba hore isugu tilmaami jiray iney astaan u yihiin dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha balse colaada Qasa ayaa banaanka keentay wejiga rasmiga ah ee wadamadaasi.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles