Mareykanka oo marki ugu horeysay kahor yimid qorshaha Israa’iil ee ku weerareeso Rafax.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay Isniintii in la go’aamiyey xilliga la fulinayo hawlgalka magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca Koonfureed ee Gaza, hase ahaatee ma shaacinin taariikhda rasmiga ah.

Maraykanka ayaa isla markiiba ku gacan sayray warka ka soo yeedhay Netanyahu.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa, xilli ay magaalada Qaahira ka socdaan wadahadallo u dhexeeya mas’uuliyiin ka kala socota Israa’iil, Xamaas, Maraykanka, Qatar iyo Masar, iyaga oo doonaya in heshiis xabbad-joojineed laga gaadho dagaalka Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha kala duwan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles