Mareykanka oo u xusul duubaya sidii Xamaas looga dhaadhicin hal arrin iyo Xamaas oo farriin u dirtay Biden

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa Isniinta maanta ah tagay caasimadda Masar ee Qaahira, halkaas oo uu ka billaabay socdaal noqonaya lugtiisii sideedaad oo uu ku marayo gobolka, si uu ugala hadlo dadaallada xabbad-joojinta ee Marinka Qasa, iyo in la horumariyo soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee ku saabsan xasilloonida gobolka.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Masar Cabdul Fattah El-Sisi, Blinken wuxuu ugu baaqay dowladaha Carabta inay “ku cadaadiyaan Xamaas” inay aqbalaan hindisaha xabbad-joojinta ee Qasa isagoo xusay in “inta badan” Israa’iil iyo Falastiiniyiintuba ay doonayaan nabad.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: “Xamas waa kooxda kaliya ee carqaladeyneysa heshiiska xabbad joojinta,” isaga oo intaa ku daray inay aad muhiim u tahay “in laga shaqeeyo qorshe qeexaya maalinta ka dambeysta ah ee dagaalka Qasa”.

Waxa uu tilmaamay in “sida ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in khasaaraha rayidka uu yaraado ay tahay in la isku raaco heshiis xabad joojin ah,”.

Warbaahinta ayaa horey u sheegtay in Blinken uu kala hadli doono inta uu ku guda jiro socdaalkiisa gobolka Madaxweyne Sisi xal u helidda in dib loo furo marinka Rafax ee u dhaxeeya Masar iyo Qasa, kaasoo xirn muddo bil ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa la wareegay gacan ku haynta dhanka Falastiiniyiinta, iyagoo ku eedeeyay Masar inay mas’uul ka tahay xiritaanka marinkaas.

Masar ayaa ku jawaabtay in darawallada gawaarida xamuulka ah ee sida gargaarka bini’aadantinimo ee Marinka Qasa aysan dareemayn ammaan marka ay ka gudbayaan isbaarooyinka Israa’iil.

Blinken ayaa ka tagay Qaahira isagoo ku sii jeeda Israa’iil si uu wadahadal ula yeesho ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale tagi doona Qatar iyo Jordan, wuxuuna kala hadli doonaa hoggaamiyeyaasha gobolka dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee Qasa iyo in la bilaabo xabbad-joojin bini’aadannimo oo u oggolaan doonta in gargaar dheeraad ah la galo Marinka dadka rayidka ah.

Cadaadiska Mareykanka ee xabad-joojinta

Mareykanka ayaa sii kordhaya cadaadiska uu ku doonayo inuu ku riixo labada dhinac xabbad joojin ka dhacda Marinka Qasa, halkaasoo ay weli duqeyntu ka socoto, iyadoo Washington ay golaha ammaanka ka codsatay in loo codeeyo qaraar qabyo ah oo Israa’iil iyo Xamaas ugu baaqaya inay xabadda joojiyaan.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in laga yaabo in cod loo qaado qoraalkan, kaasoo taageeraya soo jeedinta uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden 31-kii May, laakin dadka arrimahaan falanqeeya ayaa tilmaamaya in mar walba ay jirto hagar daamo caqabad ku ah in dadaalladaan guul laga gaaro.

Sida laga soo xigtay nuqulka saddexaad ee qaraarka qabyada ah ee ay aragtay Wakaaladda AFP, soo jeedintu waxay qeexaysaa, marxaladda koowaad, xabbad-joojin “degdeg ah oo dhamaystiran”, sii deynta la haystayaasha, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee “goobaha dadku ku badan yihiin ee Qasa iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo dadka u baahan.

Iyadoo Xamaas aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin soo jeedinta Mareykanka, hoggaamiyaha caanka ah ee Xamaas Sami Abu Zuhri ayaa ugu baaqay Mareykanka, inuu cadaadis ku saaro Israa’iil si loo joojiyo dagaalka Qasa.

Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: “Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Maraykanka inay cadaadis saaraan Israa’iil si loo joojiyo dagaalka Qasa, iyo in dhaqdhaqaaqa Xamaas uu diyaar u yahay inuu si wanaagsan ula macaamilo hindise kasta oo horseedaya soo afjarida dagaalka,” waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayay ahayd markii Wargeyska Wall Street Journal,uu baahiyay warbixin uu ku sheegay in dalalka Qatar iyo Masar ay dhawaan ku wargeliyeen hoggaamiyeyaasha Xamaas in laga yaabo inay la kulmaan suurtagalnimada ah xarig, xannibaad hanti, cunaqabatayn iyo xitaa in laga saaro Doha, haddii ay aqbali wayaaan soo jeedinta heshiis xabad joojin oo laga dhex sameeyo iyaga iyo Israa’iil.

Sida warbixinta lagu sheegay, iyadoo laga duulayo aragtiyo ay qabaan mas’uuliyiin lagu tilmaamay inay aad ugu dhuun daloolaan wadahadalladan,ayaa waxaa ay sheegayaan in hanjabaadadan oo ku wajahan madaxda Xamaas ay tahay codsi ka yimid maamulka Biden.

Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin heshiis aan buuxin shuruudaha ururka, isla markaana aan dammaanad qaadeynin in dagaalka la joojiyo.

Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles