Markale Oo Kooxaha England Laga Cirib Tiray Tartan Kale Oo Weyn Iyo Falanqeynta Kulamada Caawa

Kooxaha England Ayaa Markale Laga Ciribtiray Tartanka Uefa Europe League Kadib Markii Kooxaha Ay Wajaheen Kooxaha Atlanta Iyo Bayern Leverkusen Oo Ka Kala Socda Italy Iyo Germany.

Liverpool Ayaa Caawa Ku Hungowday In Ay Soo Laabasho Ka Sameyso Kulankii Isbuuci Hore Gurigeeda Lagula Bahdilay Kaasoo Lagu Qaarijiyey 3 Gool Iyo Waxba Isbuucaan Gudihiisane Crystal Palace Ayaa Anfield Markale Kudubatay Kulan 1-0 Looga Badiyey Sidaana Tartanka Horyaalka Uga Hareen Halka Caawa Sidoo Kale Tartanka Europe League Si Rasmi Ah Looga Reebay Kadib Marki Ay Ku Filnaa Weysay 1-0 Oo Ay Kubadiyeen Waxaana Ay Ku Hareen 3-1 Cel Celis Ahaan .

Bilaawga Kulankaan Liverpool Waa Caabooneed Kudhawaad 20 Daqiiqo Waxaana Ay Ay Bilaawga Ciyaartaba Heleen Rigoore Uu U Dhaliyey MO Salah Balse 20 Daqiiqo Kadib Taatikada Macalin Gasperini Ayaa Shaqeysay Kaasoo Sameeyey Taatiko Kudheehan Mid-block Oo Ah In Dhaxda Ay Kadifaactamaan Si Liverpool Aysanba Kubadda Gadaal Uga Soo Dhisin Halka Weerarkooda Pressure Saarayeen Difaaca Liverpool-na Ku Adkaatay In Si Dagan Kubadda Usoo Dhisaan.

Atlanta Waxaa Moodaa In Ay Maskax Ahaan Iyo Jir Ahaanba Ka Diyaarsanaayeen Liverpool Mana Kujirin Wax Baqdin Ah Oo Ku Aadan In Haliis Kawajahaan Weerarka Iyo Dhaxda Liverpool Maadaama Ay Cubka Kuxereen Taasna Waxaa Ladhihi Karaa Awood Muuqata Oo Ay Soo Bandhigtay Atlanta Weyna U Qalmeen In Ay Soo Gudbaan Kulankaan .

Dhinaca Kale Roma Ayaa Labada Lugba Martay Dhigeeda AC Milan 2-1 Caawa Iyo 0-1 Oo Isbuuci Hore Oo San Siro Ah Sidaasna Wareega Semifinal-ka Ugu Soo Gudubtay  Waxa Ayna Wajahee Bayern Leverkusen Oo Sanadkaan Laga Yaaban Yahay Oo Ah Kooxda Kaliya Unbeaten Ka Ah Top Five Leagues In Europe.

Leverkusen Ayadane Caawa Waxa Ay Ka Ciribtirtay Tartankaan West Ham United Ciyaar Kusoo Dhamaatay Barbaro 1-1 Ah Balse Lugta Kusoo Badisay 2-0 Gurigooda Marki Ay Joogeen Kooxdaan Isbuucaan Horyaalkoodi Ugu Horreeyey Noshokda Ayey U Dabaal Dageen Ayadoo Wali 5 Kulan Kadhimantahay Waana Unbeaten Hadda Semifinal-ka Ayey Joogaan Tartankaan DFL POKAL CUP-na Final Ayey Joogaan Waxa Ay U Socdaan Triple Waxaasa Kaxigta 3 Kulan Kaliya Macalin Alonso Iyo Xertiisa 🔥🔥🔥

Ingiriiska Marki Labaad Ayaa Leys Daba Dhigay Xalay City Iyo Arsenal Halka Caawa Liverpool Iyo West Ham United La Raaciyey Balse Waxaa Sharafta England Caawa Haaya Oo Isbuucaan Hadli Karta Aston Villa Oo Usoo Gudubtay Semifinal-ka Tartanka Conference League Waxaana Usoo Saaray Emiliano Martinez Oo Rigoorooyinka Macalin Ku Ah 3-4 Ayey Kusoo Gudbeen Ayagaa Caawa Amaanta Leh Balse Taas Macnaheeda Kama Dhigna In Sanadka Dambo Koox Ku Imaan Karaan Maadaama Laga Dhibco Badnaanayo Oo Kooxaha Italy Iyo Germany Ayaa Wacdareynayaan Fasalkaan .

Bayern Leverkusen Waxa Ay Wajahee Roma Halka Atlanta Sugeyso Marseille Iyo Benfica Oo Extra Kumaqan Tiisoo Baxdo Waa Sidaas Semifinal-ka Europe League.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles