Maroodiga Oo Booskiisa Kusoo Noqday

Kooxda Sanadkaan 2024 Carcarta Ah Ee Arsenal Ayaa Caawa Waqtiga Dhimashada Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Dhigeeday Brentford Oo Marti Ku Aheyd Emirates Stadium Kadib Ciyaar U Muuuqatay In Arsenal Taako Loo Dhigaayo Ayaa Ku Ku Badisay 2-1 Oo Ay Kaga Mahdinayaan 60 Malyanlahooda Kai Havertz.

Kulankaan Badanaa Waxaa Lagu Saadaalinaayey In Arsenal Goolal Badan Firdhin Doonto Maadaama Waayahaan 6 , 5 Ama 4 Kayar Aysan Ka Kaceynin Ayadoo Taas La Qiimeynayo Ayaana La Filaayo In Sidaas Wax U Dhici Doonaan Balse Ay Noqoto Kaliya Natiijo Maheli Kartaa Arsenal Oo 2-1 Kubadisay Sidaasna Muddo Dheer Kadib Hogaanka Horyaalka Ugu Soo Laabteen Ayagoo Sugan Doono Birri Liverpool Iyo Man City Oo Anfield Kuballansan.

Guud Ahaan Maamulka Ciyaarta Arsenal Ayaa Maamuleysay Balse Dhanka Brentford Ayaa Aheyd Koox Kujirto Iska Caabin Ku Aadan Weerarka Xad Dhaafka Ahaay Ee Arsenal Ayagoo Dadaalkaas Wado Ay Heleen Laba Fursad Cajiib Ah Oo Uu Ka Bad Baadiyey Ramisdale Halka Uu Asiga Lee Gool Hadiyad Ah Siisatay Kadib Kubad Uu La Daahay Laadideeda Oo Uu Ku Dhuftay Wissa Sidaasna Ay Gool Ku Noqotay.

Declan Rice Ayaa Arsenal Account-ga Ufursay Kahor Inta Uusan Bareejeyn Wissa Oo Kafaa’iideystay Qalad Uu Galay Ramisdale Waxaana Geesiga Ciyaarta Noqday Kai Havertz Oo Goolka Guusha Arsenal U Dhaliyey Waqtiga Dhimashada Taasoo Arsenal Dhaxalsiisay In Ay Hogaanka Hal Dhibic Ku Qabtaan .

Maroodiga Halkiisi Ayuu Kusoo Noqday Oo Aheyd Laanta Markaan Waxaa Hubaal Ah Inuu Laanta Joogayo Ama Uu Usoo Dagayo Laanta Kuxigto Majiri Doonto In Birri Uu Dhulka Toos Ugu Dhaco Maxaa Yeelay Liverpool Iyo Man City Hadii Labadooda Midkood Badiyo Waa Sidaas Hadii Barbaro Ay Galaanne Waaba Ciidiisa Oo Cidna Kama Dajineyso .

Hambalyo Jamaahiirta Gunners Guul Muhiim Ah Ayaa Gaarteen Waliba Top Of The Table Ayaa Tihiin Bandhigiinana Koob Waxkayar Uma Qalmo Balse Waa Arkeynaa 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles